Dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta soo furtay madal online oo la yiraahdo talo-wadaag, taasoo dadweynuhu awood u siinaysa in ay kusoo gudbin karaan aragtiyadooda horumarka caasimadda.
Madashan, qofka wuu iska diiwaan galinayaa kadibna wuxuu kusoo gudbinayaa waxyaabaha uu is leeyahay caasimadda way u baahan tahay ama waxyaabaha u baahan in wax laga qabto.
Duqa Garowe, Axmed Siiciid Muuse, ayaa daah furay madashan, waxaana ka qeyb qaatay dadweyne ka socday xaafaddaha magaalada iyo guddiyada xaafaddaha, si loo fahansiiyo habka loo isticmaalo.
Duqu wuxuu sheegay in madashan dadweynuhu kusoo gudbin karaan arrimaha ay doonayaan in wax laga qabto ama la horumariyo, kadibna waxaa la geyn doonaa miisaska go’aan gaarida si loo fuliyo.
Nidaamkaan wuxuu qeyb ka yahay hayaanka loogu jiro in dowladda hoose u u guurto nidaamka loo yaqaano E-Governance.
Muwaadinku in uu madasha ra’yigiisa ku soo gudbiyo ayaa ka xigta in codkiisa la maqlo.
Duqa caasimadda Puntland ee Garowe, Axmed Muuse Siciid (Axmed Barre), ayaa u mahad celiyay shacabkii maanta dareenkooda ku muujiyay sida nabad gelyada ah, kuwaas oo ka cabanayay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga iyo sicirka bararka dollarka.
Duqa Garowe ayaa soo dhoweeyay in dadweynuhu dareenkooda si nabad galyo ku jirto ku muujiyaan, wuxuuna ku booriyay in ay ilaalayaan hantida guud ee ummada ka wada dhaxaysa.
Duqu wuxuu u sheegay dadweynaha in lacagta shilin Soomaaliga ay shaqeynayso islamarkaana dowladda hoose ee Garowe ay ku qaado canshurta kuna bixiso mushaharaadka shaqaalaha degmada.
“Anagu ka degmo ahaan, waxaan shilinka Soomaaliga ku qaadanaa casnhuurta suuqyada xoolaha, kalluunka, khudaarta, firshada iyo dhammaan canshuuraha maalin laha ah oo dhan,’ ayuu yiri Duqu.
Axmed Barre, ayaa ganacsatada faray in ay qaataan lacagta shilinka Soomaaliga, isagoo sheegay ganacsadihii ka hor yimaada awaamiirta dowladda in laga qaadayo tallaabo waafaqsan sharciga.
December 2021:- Dowladda hoose hoose ee degmada Garowe oo ka duulaysa horumarinta tuulooyinka hoos yimaada caasimadda, ayaa waxay xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho ka hirgalisay tuulooyinka Garyaqaan, Xamxamaa, Dood-hays iyo Caano yaskax.
Iyadoo ka duulaysa baahiyaha lagasoo aruriyay tuulooyiinka kor ku xusan, waxay dowladda hoose ee degmada Garowe tuulooyinka Xamsamaa iyo Dood-hays ka hirgalisay labo xarumood oo caafimaad (Health post), oo loogu talo galay inay adeegyo caafimaad oo bilaash ka helaan hooyada iyo dhallaanka ee tuulooyinkaas.
Dhismaha xarumahan caafimaad ayaa qeyb ka ah mashaariicda JPLG ugu jira horumarinta degmada Garowe, kuwaas oo la qorsheeyay in la fuliyo sanadkan 2021, iyadoo la doonayo in bulshada looga faaideeyo, si ay adeegyo caafimaad uga helaan.
Sidoo kale, dowladda hoose Garowe waxay tuulooyinka Garyaqaan iyo Caano yaskax ka hirgalisay dhismayaal waxbarasho oo loogu talo galay waxbarashada aas aasiga ah. Dhammaan mashaariicdan ayaa si guul ah loo fuliyay, iyadoo haatan bulshada deeganadaas ay si wacan uga faaidaysanayaan. Golaha deegaanka ee degmada Garowe ayaa ku meel mariyay mashaariic kalfadhigoodii ugu dambeeyay ee December 2021.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA MASHAARIICDA LA FULIYAY.