Archives January 2021

Dowladda hoose oo burburisay dhismayaal sharci darro oo laga dhistay hareeraha laamiga koonfurta Garowe .

Dowladda hoose ee Garowe, iyadoo fulinaysa go’aamadii kasoo baxay shirkii golaha deegaanka ee bishii december waxay qaaday tallaabooyin lagu burburinayo dhismayaal sharci darro ah oo laga dhistay hareeraha laamiga koonfureed ee magaalada.

Xoghayaha dowladda hoose, Maxamuud Cali Guray ayaa sheegay in la burburiyay dhismayaal laga sameystay baakinada laamiga, arrintaas oo horey loo mamnuucay ciddii dhisatayna aysan mar dambe hanti iska galin.

HALKAAN HOOE KA DAAWO.

Duqa Garowe iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal oo kulan la qaatay ganacsatada tafaariiqleyda.

Duqa caasimadda Garowe mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal, mudane Cawil Axmed Jabuuti, ayaa kulan la qaatay ganacsatada tafaariiqleyda ee suuqa Inji, iyagoo ka dhegaystay cabashadooda ku aadan diidmada lacagta shilin Soomaaliga.

Duqa iyo guddoomiyaha ayaa u sheegay ganacsatada in ay socodsiiyaan lacagta shilin Soomaaliga, iyagoo u caddeeyay in dowladdu bilowday taabo galinta go’aamadii xal u helida lacagta shilin Sooomaaliga.

Masuuliyiinta waxay ballanqaadeen wax kaste oo dhinaca dowladda ka xayiran in maamulka degmada iyo gobolku xal ka gaaridoonaan, balse loo baahan yahay in ganacsatada Garowe hormuud u noqdaan fulinta dhankooda waxa kaga aadan go’aamadii soo baxay.

HALKANA HOOSE KA DAAWO KULANKA.

Dowladda Hoose Garowe oo furtay kanaalo biyuhu Maraan oo xirnaan jiray.

Dowladda hoose ee Garowe oo sannadkan dardar horleh kusoo bilowday hagaajinta iyo fidinta waddooyinka caasimadda ayaa sidoo kale furtay kanaalo biyuhu maraan, kuwaas oo gacan ka geysanaya in biyaha magaalada gudaheeda ku ururi jiray loo helay meel ay maraan.

Dowladda hoose waxay kaloo mamnuucday in la dego dhulka biyo mareenka, iyadoo la fulinayo amarkii kasoo baxay shirkii golaha deegaanka Garowe ee bishii december dhammaadkeedii goluhu yeesheen.

Halkaan hoose ka daawo shaqada dowladda hoose ka qabatay.

Language »