Archives March 2021

D/hoose Garowe oo furtay madasha Talo-wadaag oo dadweynuhu kusoo gudbin karaan aragtiyadooda.

Dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta soo furtay madal online oo la yiraahdo talo-wadaag, taasoo dadweynuhu awood u siinaysa in ay kusoo gudbin karaan aragtiyadooda horumarka caasimadda.

Madashan, qofka wuu iska diiwaan galinayaa kadibna wuxuu kusoo gudbinayaa waxyaabaha uu is leeyahay caasimadda way u baahan tahay ama waxyaabaha u baahan in wax laga qabto.

Duqa Garowe, Axmed Siiciid Muuse, ayaa daah furay madashan, waxaana ka qeyb qaatay dadweyne ka socday xaafaddaha magaalada iyo guddiyada xaafaddaha, si loo fahansiiyo habka loo isticmaalo.

Duqu wuxuu sheegay in madashan dadweynuhu kusoo gudbin karaan arrimaha ay doonayaan in wax laga qabto ama la horumariyo, kadibna waxaa la geyn doonaa miisaska go’aan gaarida si loo fuliyo.

Nidaamkaan wuxuu qeyb ka yahay hayaanka loogu jiro in dowladda hoose u u guurto nidaamka loo yaqaano E-Governance.

Muwaadinku in uu madasha ra’yigiisa ku soo gudbiyo ayaa ka xigta in codkiisa la maqlo.

Dowladda hoose Garowe oo qabatay shir ku saabsan xoojinta amniga xaafaddaha.

Dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta shir amniga xaafaddaha ku saabsan la qaadatay guddoomiyayaasha xaafaddaha Garowe oo ay ku jiraan kuwa barakacayaasha iyo laamaha amniga heer degmo.
Kulankan, waxaa shir guddoominayay duqa Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), waxaana goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka dgemada iyo xoghayaha dowladda hoose.
Sidoo kale, waxaa kulanka kasoo qeyb galay guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee Garowe.
Waxaa laga wada hadlayay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabad galyada iyo in laamaha booliiska gacan lagu siiyo in lagu soo wargaliyo dadka amni darrada geysanaya.

Dowladda hoose ee Garowe oo darees cusub ku wareejisay shaqaalaha nadaafadda ka shaqeeya.

Dowladda hoose ee Garowe ayaa darees cusub ku wareejisay shaqaalaha ka shaqeeya nadaafadda, iyadoo looga golleeyahay sidii shaqaalaha nadaafadda ka shaqeeya aqoonsi gaar ah u yeelan lahaayeen.

Xafiiska arrimaha bulshada dowladda hoose ee Garowe ayaa dareeskaan u qeybiyay haweenka nadaafadda ka shaqeeya ee degmada u diiwaan gashan, kuwaas oo degmadu shaqaaleysiiyay sanadkii hore.

Language »