Guddoomiye Geeddi oo maanta isku diiwaangeliyay doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka Garoowe

Garoowe: 02 March 2023: Guddoomiyaha Degmada Garoowe Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi, ayaa maanta iska diiwaangeliyay Degmada Garoowe oo ay si rasmi ah uga bilowmatay Is-diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashada Goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay maanta tahay maalin taariikhi ah oo dadka ku dhaqan Caasimadda Garoowe ay isu diiwaangelinayaan si ay codkooda ugu doortaan xubnaha ku metelaya Golaha deegaanka ee soo socda, sidaasi darteed wuxuu ku baaqay in la is-diiwaangeliyo.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta iska diiwaangeliyay Caasimadda Garoowe, si aan codkayga u dhiibto Doorashada Golaha deegaanka ee Degmada , Runtii maanta waa maalin taariikhi u ah Bulshada ku dhaqan Caasimadda Garoowe, waxay dadku isu-diiwaangeliyaan si ay codkooda ugu doortaan xubnaha ku metelaya Golaha deegaanka ee Degmada Garoowe.

Waxaan ku booraniyaa dadweynaha Garoowe iyo deegaannada hoos yimaada in ay is diiwaangeliyaan, waayo qofka Hadda is diiwaangeliya ayaa maalinta Doorashada Codeynaya, Waa fursad dahabi ah oo dadka loogu dhoweynayo awooda ha laga faa’ideysto Bulshooy.

Isdiiwaangeli maanta si aad Berito u codeyso!” Ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Garoowe, Mudane Geeddi.

Is-diiwaangelinta Doorashada Golaha deegaanka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowmatay Garoowe, waxaana munaasabadda daah-furka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka, Xubnaha Goleyaasha ee ku shaqo leh, Maamulka Gobolka , Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka, Ururada Bulshada, Hay’adaha ka shaqeynaya wacygelinta iyo korjoogto kala duwan.

DHAMMAAD.

Olole kor loogu qaadayo nadaafadda iyo bilicda oo maanta ka billowday magaalada Garowe.

Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa maanta laga sameeyay Olole lagu nadiifinayo magaalada isla markaasina lagu hagaajinayo bilicda magaalada, Kaasi oo ay soo diyaarisay Dowladda Hoose ee Garoowe.

Ololaha nadiifinta magaalada oo ay ka qeybgalayaan 5,000 oo qof oo ka kala yimi xaafadaha magaalada, ayaa waxaa wadajir u daah-furay saaka Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Guddoomiyaha Degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Maxamuud Xasan Maxamed (Cawil Mataan).

Guddoomiyaha Degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi, ayaa markii shaqadu bilowmatay wuxuu kormeeray ugu yaraan Lix xarumood oo kala duwan oo ay shaqadu ka socoto, Halkaasi oo uu Bulshada dhiirigelinayey.

Waa Markii ugu horeysay ee Olole nadaafadeed oo heerkan ah laga sameeyo Caasimadda Garoowe, waxaana Bulshadu soo dhoweysay in ay Dowladda hoose kala shaqeeyaan Garoowe nadiif ah oo bilicsan.

Duqa Garowe: Doorashooyinka xaafaddaha Garowe waxay hordhac u yihiin doorashooyinka kale ee Garowe


Duqa magaalada Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo uu wehliyo xoghayaha dowladda hoose, Maxamuud Cali Xasan Guray, ayaa maanta kulan soo dhowayn ah la qaatay guddoomiyayaasha xaafaddaha magaalada Garowe, kuwaas oo kusoo baxay doorashooyinkii xaafadaha ee dhawaan la qabtay.

Duqa Garowe ayaa ugu horrayn u hambalyeeyay guddoomiyayaasha la doortay, isagoo sheegay inuu rajeynayo inay kaalin wanaagsan ka qaadan doonaan sugida amniga, nadaafadda, dhirraynta magaalada iyo dakhli soo saarka magaalada.

Duqu wuxuu sheegay doorashadani inay horudhac iyo tijaabo u tahay doorashooyinka dadweynaha ee nidaamka xisbiyada badan ee kusoo wajahan magaalada Garowe iyo magaalooyinka kale.

“Waxaan rajeynayaa gole deegaan baa la doorandoonaa. Mar haddii aad xaafaddihii guddoomiyayaal ka noqoteen, hadhowna inaad golaha deegaanka aad howl ka gali doontaan. Xaafaddaha saad uga shaqeysaan baad cod ku helaysaan. Marka waxaa la rabaa inaad xaafaddihii ka shaqeysaan oo ay isku dubba dhacaan,” ayuu yiri duqa caasimadda Puntland, mudane Axmed Barre.

Ugu dambayn, duqa wuxuu sheegay habka dowladda hoose ee Garowe u qabatay doorashooyinka xaafaddaha inuu yahay hab wanaagsan oo ay ku dayan karaan degmooyinka kale ee Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii guddi dowladda hoose usaartay doorashada xaafaddaha ay soo gabagabeeyeen doorashada 8 xaafaddood, oo kala ah, Mubaarak, Halgan, Kowda August, Hanti-wadaag, Wadjir, Horseed, Hodan iyo Naasa-hablood.

Waxaa harsan xaafadda Waaberi oo doorashadeeda dib loo dhigay, si guddiga doorashadu xalliyo uga gaaro khilaaf ka taagan.

Language »