Archives August 2022

Duqa Garowe: Doorashooyinka xaafaddaha Garowe waxay hordhac u yihiin doorashooyinka kale ee Garowe


Duqa magaalada Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo uu wehliyo xoghayaha dowladda hoose, Maxamuud Cali Xasan Guray, ayaa maanta kulan soo dhowayn ah la qaatay guddoomiyayaasha xaafaddaha magaalada Garowe, kuwaas oo kusoo baxay doorashooyinkii xaafadaha ee dhawaan la qabtay.

Duqa Garowe ayaa ugu horrayn u hambalyeeyay guddoomiyayaasha la doortay, isagoo sheegay inuu rajeynayo inay kaalin wanaagsan ka qaadan doonaan sugida amniga, nadaafadda, dhirraynta magaalada iyo dakhli soo saarka magaalada.

Duqu wuxuu sheegay doorashadani inay horudhac iyo tijaabo u tahay doorashooyinka dadweynaha ee nidaamka xisbiyada badan ee kusoo wajahan magaalada Garowe iyo magaalooyinka kale.

“Waxaan rajeynayaa gole deegaan baa la doorandoonaa. Mar haddii aad xaafaddihii guddoomiyayaal ka noqoteen, hadhowna inaad golaha deegaanka aad howl ka gali doontaan. Xaafaddaha saad uga shaqeysaan baad cod ku helaysaan. Marka waxaa la rabaa inaad xaafaddihii ka shaqeysaan oo ay isku dubba dhacaan,” ayuu yiri duqa caasimadda Puntland, mudane Axmed Barre.

Ugu dambayn, duqa wuxuu sheegay habka dowladda hoose ee Garowe u qabatay doorashooyinka xaafaddaha inuu yahay hab wanaagsan oo ay ku dayan karaan degmooyinka kale ee Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii guddi dowladda hoose usaartay doorashada xaafaddaha ay soo gabagabeeyeen doorashada 8 xaafaddood, oo kala ah, Mubaarak, Halgan, Kowda August, Hanti-wadaag, Wadjir, Horseed, Hodan iyo Naasa-hablood.

Waxaa harsan xaafadda Waaberi oo doorashadeeda dib loo dhigay, si guddiga doorashadu xalliyo uga gaaro khilaaf ka taagan.

Shacabka xaafadda Waaberi oo soo dhoweeyay waddo laami ah oo dowladda hoose Garowe ka hirgalinayso xaafaddaas.

Shacabka ku nool xaafadda Waaberi ee magaalada Garowe, ayaa soo dhoweeyay waddo laami ah oo casri ah oo dowladda hoose ee degmada Garowe ay ka dhisayso xaafaddaas.

Waxay shacabku sheegeen inay xaafadda Waaberi oo kamid ah xaafaddaha ugu waawayn caasimadda ay baahi weyn u qabtay waddadan laamiga ah oo hadda meel wanaagsan maraysa.

Dowladda hoose ee Garowe oo ka faa’idaysanaysa maalgalinta mashaariicda World Bank waxay dadaal xooggan ku bixisay in caasimaddu yeelato waddooyin casri ah oo jiritaankoodu uu qaato muddo boqolaal sano in laga faa’idaysto.

Degmadu waxay sidoo kale waddaa in dib loo dayactiro loona casriyayeeyo waddooyinka horey loo dhisay ee uu maalgaliyay mashruuca JPLG, waxaana hadda lagu billaabay jidka soddonka oo la saarayo laami cusub, kii horena waa la qaadayaa.

Shacabka Garowe iyo dowladda hoose ee Garowe ayaa iska kaashaday maalgalinta jidkan.

Dowladda hoose Garowe oo qabatay Doorashadii 8-aad ee xaafaddaha Garowe.

Doorashadii 8-aad ee xaafaddaha Garowe ayaa maanta laga qabtay xaafadda Hodan, waxaana lagu doortay guddoomiye cusub iyo ku xigeen cusub, kadib doorasho aad loogu loolamay oo musharraxiintii ugu badnaa ee ay ku tartameen xilka guddoomiyaha iyo ku xigeenka.

Waxaa guddoomiyaha xaafadda Hodan loo doortay Cabdulqaadir Cabdullaahi Xasan, oo ay afar musharrax kula tarmayeen halka ku xigeenka loo doortay Faadumo Maxamuud Maxamed oo ay la tartamayeen labo musharrax.

Jidka soddonka oo laga qaadayo laamigii hore, laami cusubna la saarayo.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe ahna ku simaha duqa caasimadda, Maxamed Cali Maxamed iyo xoghayaha guud ee dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Xasan Gurey ayaa maanta kormeeray jidka soddonka oo lagu billaabay dayactir, si loo saaro laami cusub oo lamid ah midka dhawaan uu madaxweynaha Puntland xarriga ka jaray.

Mas’uuliyiinta degmada Garowe ayaa dadweynaha ku wacyi galiyay inay u dulqaataan inta ay shaqada ka socoto jidka soddonka islamarkaana aysan furin meelaha waddada laga xiray, gacanna siiyaan shirkadda dhisaysa.

Xoghayaha dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Xasan Gurey ayaa sheegay in degmadu go’aansatay in hal laami ah casri ah oo isku cimri ah laga sameeyo jidka soddonka. Wuxuu ugu bishaareeyay dadweynaha ku ganacsada jidkaas inay helidoonaan waddo casri ah oo ay ku ganacsadaan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe, Maxamed Cali Maxamed ayaa sheegay dhaqaalaha lagu dhisay jidkan inuu yahay halkii dollar ee korantada iyo Biyaha ee shacabka la dulsaaray, iyo sidoo kale lacag dhan $150,000, oo ay dowladda hoose ee Garowe ku kabtay qarashka lagu dhisayo jidkan.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay inay dowladda hoose ku dadaalayso in waddada qeyb qeyb loo xiro, si aanu u saameyn ganacsiyada dadku ku leeyihiin jidka soddonka, wuxuuna dadweynaha u sheegay inay kaalintooda ka qaataan.

Dhismayaasha laamiyada iyo dayactirka kuwa burburay waa ahmiyadda koowaad ee shaqooyinka dowladda hoose ee Garowe. In ka badan 30 laami ayay haatan leedahay magaalada Garowe, kuwaas oo intooda badan ah kuwa casri ah oo la hirgaliyay sannadihii ugu dambeeyay.

Doorashada guddoomiyayaasha xaafadaha Garowe oo meel gabagabo ah maraysa.

Doorashooyinka guddoomiyayaasha xaafadaha magaalada Garowe ee caasimadda Puntlad, kuwaas oo ay dowladda hoose ee Garowe u saartay guddi gaar ah oo maamula, ayaa meel gabagabo ah maraya, iyadoo maanta lasoo gabagabeeyay doorashada labo xaafaddood oo kala ah, Horseed iyo Naasa-hablood.

Doorashada xaafadda Naasa-hablood waxaa ku guulaystay Cabdirisaaq Qaasim Salaad, oo ahaa guddoomiyihii xilka horey u hayay, halka Raaxo Axmed Maxamed loo doortay guddoomiye ku xigeenka xaafadda Naasa-hablood. Sidoo kale doorashada fguddoomiyaha xaafadda Horseed oo la qabtay waxaa ku guulaystay Muxubo Maxamuud Yuusuf oo horey u ahayd guddoomiyihii xaafadaas, cidnana lama tartamin. Ku xigeen waxaa loo doortay Siciid Casaro.

Waa doorashadii todobaad ee laga qabto xaafadaha Garowe. Horey waxay dowladda hoose doorasho uga qabatay xaafadaha kala ah; Halgan, Mubaarak, Hantiwadaag, kowda August iyo Wadajir, kuwaas oo qaarna yeeshay guddoomiyayaal cusub halka kuwa kalena ay maamulkoodii hore dib u doorteen.

Ergooyin laga soo xulay xaafadaha oo isugua jira, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo haweenka, ayaa dooranaya guddoomiyayaasha, waana hab cusub oo dowladda hoose ee Garowe ay ku doonayso in guddoomiye kasta uu ku yimaado rabitaanka qeybaha kala duwan ee bulshada xaafadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan harsan labada xaafadood ee Waaberi iyo Hodan oo ah labada xaafadood ee ugu waa-wayn xaafadaha magaalada Garowe, kuwaas oo maalmaha soo socda la billaabayo xulista ergooyinka doorashada. waxayna degmadu u samaysay guddi madax- bannaan oo doorashada maamula, iyadoo u diyaarisay hab-raac gaar ah.

Intii ay socdeen doorashooyinka xaafadaha, ma jirto wax cabasho ama dhaliil ah oo ka yimid. waxaana taas beddelkeed lagu bogaadiyay dowladda hoose inay qabatay doorasho hufan oo dadka kusoo baxay berrito lagula xisaabtamidoono waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

Dadweynuhuna waxay xaq uleeyihiin inay kula xisaabtamaan guddoomiyihii ka gaabiya waxqabadka xaafadiisa.

Language »