Archives 2022

Olole kor loogu qaadayo nadaafadda iyo bilicda oo maanta ka billowday magaalada Garowe.

Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa maanta laga sameeyay Olole lagu nadiifinayo magaalada isla markaasina lagu hagaajinayo bilicda magaalada, Kaasi oo ay soo diyaarisay Dowladda Hoose ee Garoowe.

Ololaha nadiifinta magaalada oo ay ka qeybgalayaan 5,000 oo qof oo ka kala yimi xaafadaha magaalada, ayaa waxaa wadajir u daah-furay saaka Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Guddoomiyaha Degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Maxamuud Xasan Maxamed (Cawil Mataan).

Guddoomiyaha Degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi, ayaa markii shaqadu bilowmatay wuxuu kormeeray ugu yaraan Lix xarumood oo kala duwan oo ay shaqadu ka socoto, Halkaasi oo uu Bulshada dhiirigelinayey.

Waa Markii ugu horeysay ee Olole nadaafadeed oo heerkan ah laga sameeyo Caasimadda Garoowe, waxaana Bulshadu soo dhoweysay in ay Dowladda hoose kala shaqeeyaan Garoowe nadiif ah oo bilicsan.

Duqa Garowe: Doorashooyinka xaafaddaha Garowe waxay hordhac u yihiin doorashooyinka kale ee Garowe


Duqa magaalada Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo uu wehliyo xoghayaha dowladda hoose, Maxamuud Cali Xasan Guray, ayaa maanta kulan soo dhowayn ah la qaatay guddoomiyayaasha xaafaddaha magaalada Garowe, kuwaas oo kusoo baxay doorashooyinkii xaafadaha ee dhawaan la qabtay.

Duqa Garowe ayaa ugu horrayn u hambalyeeyay guddoomiyayaasha la doortay, isagoo sheegay inuu rajeynayo inay kaalin wanaagsan ka qaadan doonaan sugida amniga, nadaafadda, dhirraynta magaalada iyo dakhli soo saarka magaalada.

Duqu wuxuu sheegay doorashadani inay horudhac iyo tijaabo u tahay doorashooyinka dadweynaha ee nidaamka xisbiyada badan ee kusoo wajahan magaalada Garowe iyo magaalooyinka kale.

“Waxaan rajeynayaa gole deegaan baa la doorandoonaa. Mar haddii aad xaafaddihii guddoomiyayaal ka noqoteen, hadhowna inaad golaha deegaanka aad howl ka gali doontaan. Xaafaddaha saad uga shaqeysaan baad cod ku helaysaan. Marka waxaa la rabaa inaad xaafaddihii ka shaqeysaan oo ay isku dubba dhacaan,” ayuu yiri duqa caasimadda Puntland, mudane Axmed Barre.

Ugu dambayn, duqa wuxuu sheegay habka dowladda hoose ee Garowe u qabatay doorashooyinka xaafaddaha inuu yahay hab wanaagsan oo ay ku dayan karaan degmooyinka kale ee Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii guddi dowladda hoose usaartay doorashada xaafaddaha ay soo gabagabeeyeen doorashada 8 xaafaddood, oo kala ah, Mubaarak, Halgan, Kowda August, Hanti-wadaag, Wadjir, Horseed, Hodan iyo Naasa-hablood.

Waxaa harsan xaafadda Waaberi oo doorashadeeda dib loo dhigay, si guddiga doorashadu xalliyo uga gaaro khilaaf ka taagan.

Shacabka xaafadda Waaberi oo soo dhoweeyay waddo laami ah oo dowladda hoose Garowe ka hirgalinayso xaafaddaas.

Shacabka ku nool xaafadda Waaberi ee magaalada Garowe, ayaa soo dhoweeyay waddo laami ah oo casri ah oo dowladda hoose ee degmada Garowe ay ka dhisayso xaafaddaas.

Waxay shacabku sheegeen inay xaafadda Waaberi oo kamid ah xaafaddaha ugu waawayn caasimadda ay baahi weyn u qabtay waddadan laamiga ah oo hadda meel wanaagsan maraysa.

Dowladda hoose ee Garowe oo ka faa’idaysanaysa maalgalinta mashaariicda World Bank waxay dadaal xooggan ku bixisay in caasimaddu yeelato waddooyin casri ah oo jiritaankoodu uu qaato muddo boqolaal sano in laga faa’idaysto.

Degmadu waxay sidoo kale waddaa in dib loo dayactiro loona casriyayeeyo waddooyinka horey loo dhisay ee uu maalgaliyay mashruuca JPLG, waxaana hadda lagu billaabay jidka soddonka oo la saarayo laami cusub, kii horena waa la qaadayaa.

Shacabka Garowe iyo dowladda hoose ee Garowe ayaa iska kaashaday maalgalinta jidkan.

Language »