Duqa magaalada Garowe, mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa warbixin ku saabsan sida ay caasimadda Puntland uga faa’idaysatay nidaamka macluumaadka maamulka maaliyadda dadweynaha (PFMIS), ka jeediyay shirka guddoomiyayaasha degmooyinka Soomaaliya ee ka socda magaalada kigali.
Nidaamka PFMIS oo ay degmada Garowe ku shaqeyso, ayuu Duqu sheegay, ujeedada guud ee laga leeyahay inay tahay, in la helo nidaam maaliyaddeed oo leh hanti dhawr ku filan si loo horumariyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta.