Shacabka xaafadda Waaberi oo soo dhoweeyay waddo laami ah oo dowladda hoose Garowe ka hirgalinayso xaafaddaas.
Shacabka ku nool xaafadda Waaberi ee magaalada Garowe, ayaa soo dhoweeyay waddo laami ah oo casri ah oo dowladda hoose ee degmada Garowe ay ka dhisayso xaafaddaas.
Waxay shacabku sheegeen inay xaafadda Waaberi oo kamid ah xaafaddaha ugu waawayn caasimadda ay baahi weyn u qabtay waddadan laamiga ah oo hadda meel wanaagsan maraysa.
Dowladda hoose ee Garowe oo ka faa’idaysanaysa maalgalinta mashaariicda World Bank waxay dadaal xooggan ku bixisay in caasimaddu yeelato waddooyin casri ah oo jiritaankoodu uu qaato muddo boqolaal sano in laga faa’idaysto.
Degmadu waxay sidoo kale waddaa in dib loo dayactiro loona casriyayeeyo waddooyinka horey loo dhisay ee uu maalgaliyay mashruuca JPLG, waxaana hadda lagu billaabay jidka soddonka oo la saarayo laami cusub, kii horena waa la qaadayaa.
Shacabka Garowe iyo dowladda hoose ee Garowe ayaa iska kaashaday maalgalinta jidkan.