Maalinta berri ah oo ay taariikhtu tahay kowda bisha lixaad ee sanadka 2021 ayay si rasmi ah agaasimayaasha isku shaandhaynta lagu sameeyay xilalkooda ula kala wareegidoonaan.
Iyadoo dhawaan Roobabkii Guga ay biyo dhigeen qaar kamid ah waddooyinka waawayn ee xaafaddaha Garowe, ayaa dowladda hoose ee Garowe waxay bilaabay howlgal biyo saaris ah iyo dib u hagaajinta waddooyinka Roobku waxyeeleeyay.
Maanta oo khamiis ah dowladda hoose ee Garowe waxay shaqo xooggan ka sameysay xaafadda Hanti wadaag, halka maalintii shalay iyo maalmihii kasii horeeyayba ay degmadu ka shaqeynaysay welina ka shaqo ka wado xaafadda Hodan oo ah xaafadda waddooyinkeedu aad u fariistaan biyaha Roobka.
Xoghayaha dowladda Hoose Mudane Maxamuud Cali Gurey oo ku sugnaa goobta shaqadu ka socotay ayaa sheegay in howlgalkani ujeedka laga leeyahay uu yahay in magaaladda laga nadiifiyo biyaha fariistay.
Dhibaatooyinka ugu badan ee keena in biyuhu fariistaan waddooyinka waxaa kaalin ku leh dadweynaha, kuwaas oo guryahooda ku tuura ciid ama dhegaxaan, taasoo keenaysa in biyuhu fariistaan waddada dhexdeeda.
Dowladda hoose ee Garowe iyo wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dowladda Puntland ayaa si wadajir ah u shaaciyay in la xirmeeyay dooxooyinka Cada-dheere iyo labo Dulay oo kuyaala degmada Garoowe.
Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in ay qayb wayn ka qaadato dib u soo noolaynta daaqa, iyadoo tallaabooyinkan horey looga fuliyay degmada Iskushuban ee gobolka Bari.