Archives 2021

D/hoose Garowe oo furtay madasha Talo-wadaag oo dadweynuhu kusoo gudbin karaan aragtiyadooda.

Dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta soo furtay madal online oo la yiraahdo talo-wadaag, taasoo dadweynuhu awood u siinaysa in ay kusoo gudbin karaan aragtiyadooda horumarka caasimadda.

Madashan, qofka wuu iska diiwaan galinayaa kadibna wuxuu kusoo gudbinayaa waxyaabaha uu is leeyahay caasimadda way u baahan tahay ama waxyaabaha u baahan in wax laga qabto.

Duqa Garowe, Axmed Siiciid Muuse, ayaa daah furay madashan, waxaana ka qeyb qaatay dadweyne ka socday xaafaddaha magaalada iyo guddiyada xaafaddaha, si loo fahansiiyo habka loo isticmaalo.

Duqu wuxuu sheegay in madashan dadweynuhu kusoo gudbin karaan arrimaha ay doonayaan in wax laga qabto ama la horumariyo, kadibna waxaa la geyn doonaa miisaska go’aan gaarida si loo fuliyo.

Nidaamkaan wuxuu qeyb ka yahay hayaanka loogu jiro in dowladda hoose u u guurto nidaamka loo yaqaano E-Governance.

Muwaadinku in uu madasha ra’yigiisa ku soo gudbiyo ayaa ka xigta in codkiisa la maqlo.

Dowladda hoose Garowe oo qabatay shir ku saabsan xoojinta amniga xaafaddaha.

Dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta shir amniga xaafaddaha ku saabsan la qaadatay guddoomiyayaasha xaafaddaha Garowe oo ay ku jiraan kuwa barakacayaasha iyo laamaha amniga heer degmo.
Kulankan, waxaa shir guddoominayay duqa Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), waxaana goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka dgemada iyo xoghayaha dowladda hoose.
Sidoo kale, waxaa kulanka kasoo qeyb galay guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee Garowe.
Waxaa laga wada hadlayay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabad galyada iyo in laamaha booliiska gacan lagu siiyo in lagu soo wargaliyo dadka amni darrada geysanaya.

Dowladda hoose ee Garowe oo darees cusub ku wareejisay shaqaalaha nadaafadda ka shaqeeya.

Dowladda hoose ee Garowe ayaa darees cusub ku wareejisay shaqaalaha ka shaqeeya nadaafadda, iyadoo looga golleeyahay sidii shaqaalaha nadaafadda ka shaqeeya aqoonsi gaar ah u yeelan lahaayeen.

Xafiiska arrimaha bulshada dowladda hoose ee Garowe ayaa dareeskaan u qeybiyay haweenka nadaafadda ka shaqeeya ee degmada u diiwaan gashan, kuwaas oo degmadu shaqaaleysiiyay sanadkii hore.

Duqa Garowe oo kulan is-xogwareysi ah la qaatay guddoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland

Duqa caasimadda Puntland ee Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), ayaa maanta beerta 22-aad kulan qado sharafeed ah kula qaatay guddoomiyayaasha gobolada Puntland, kuwa degmooyinka iyo masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha.

Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii xiriir iyo wadashaqayn joogto ah loo yeelan lahaa islamarkaana la isaga kaashan lahaa horumarka Puntland, sidoo kalena loo fulin lahaa waxyaabihii kasoo baxay kulankii ay guddoomiyayaashu la qaateen madaxweynaha dowladda Puntland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA.

Dowladda hoose Garowe oo daah furtay qandaraaska waddooyin cusub oo laami la saarayo.

(Garowecity) Duqa casimadda Puntland ee Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti ayaa daahfuray (Qan-daraaska) Dhismaha 4 Laami oo Bankiga Adduunku gacan ka siinayo dowladda hoose ee degmada Garowe.

Duqa Caasimadda, Axmed Barre ayaa sheegay in qandaraaska mashaariicdan uu ahaandoono mid caddaalad ah isla markaasna cad sade kasta lagu qiimayn-doono aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

halkaan ka daawo muuqaalka furitaanka qandaraaska.

Guddiga joogtada ee golaha deegaanka Garowe oo meel mariyay qorshaynta caasimadda ee mustaqbalka.

Guddiga Joogtada ee golaha deegaanka Garowe oo uu shir-Gudoominayay duqa Caasimadda Puntland, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), ayaa ansixiyay qorshaha guud (Master plan) ee Loo sameyay Garowe, kaas oo lagu Hagidoono 10 Sano ee soo-socota.

Qorshahan guud ee loo sameeyay Garowe, waa dukumiinti dhammaystiran oo bixinaya macluumaad ku saabsan sida magaalada loogu horumarin doono mustaqbalka dhow.

Qorshahan ayaa wuxuu kaalin weyn ka qaadan doonaa in magaalada Garowe oo hadda si xowli ah u koraysa loosii asteeyo meelaha danta guud, kuwa gaarka ah, iyo adeegyada guud.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe, Maxamed Xamari ayaa sheegay in dowladda hoose ee Garowe ay tobanka sano ee soo socda ku shaqayn doonto naqshada loo sameeyay, wuxuuna shacabka ka codsaday in ay dowlada la shaqeeyaan.

Agaasimaha arrimaha bulsahda dowladda hoose Garowe, Cabdirisaaq Maxamed Muuse, ayaa guul weyn ku tilmaamay ansixinta Qorshe Hagaha (Master plan) ee Garowe. Wuxuu sheegay in xaafad kasta oo dhismi doonta ay helidoonto goobaha danta guud, sida wadooyinka iyo goobaha lagu nasto.

Duqa caasimadda Garowe ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Garowe, Axmed Barre ayaa sheegay magaalada Garowe in ay noqonayso magaaladii ugu horreysey ee naqshad casriya loo sameeyo.

Language »