Dowladda hoose Garowe oo qabatay Doorashadii 8-aad ee xaafaddaha Garowe.

Doorashadii 8-aad ee xaafaddaha Garowe ayaa maanta laga qabtay xaafadda Hodan, waxaana lagu doortay guddoomiye cusub iyo ku xigeen cusub, kadib doorasho aad loogu loolamay oo musharraxiintii ugu badnaa ee ay ku tartameen xilka guddoomiyaha iyo ku xigeenka.

Waxaa guddoomiyaha xaafadda Hodan loo doortay Cabdulqaadir Cabdullaahi Xasan, oo ay afar musharrax kula tarmayeen halka ku xigeenka loo doortay Faadumo Maxamuud Maxamed oo ay la tartamayeen labo musharrax.

Doorashada guddoomiyayaasha xaafadaha Garowe oo meel gabagabo ah maraysa.

Doorashooyinka guddoomiyayaasha xaafadaha magaalada Garowe ee caasimadda Puntlad, kuwaas oo ay dowladda hoose ee Garowe u saartay guddi gaar ah oo maamula, ayaa meel gabagabo ah maraya, iyadoo maanta lasoo gabagabeeyay doorashada labo xaafaddood oo kala ah, Horseed iyo Naasa-hablood.

Doorashada xaafadda Naasa-hablood waxaa ku guulaystay Cabdirisaaq Qaasim Salaad, oo ahaa guddoomiyihii xilka horey u hayay, halka Raaxo Axmed Maxamed loo doortay guddoomiye ku xigeenka xaafadda Naasa-hablood. Sidoo kale doorashada fguddoomiyaha xaafadda Horseed oo la qabtay waxaa ku guulaystay Muxubo Maxamuud Yuusuf oo horey u ahayd guddoomiyihii xaafadaas, cidnana lama tartamin. Ku xigeen waxaa loo doortay Siciid Casaro.

Waa doorashadii todobaad ee laga qabto xaafadaha Garowe. Horey waxay dowladda hoose doorasho uga qabatay xaafadaha kala ah; Halgan, Mubaarak, Hantiwadaag, kowda August iyo Wadajir, kuwaas oo qaarna yeeshay guddoomiyayaal cusub halka kuwa kalena ay maamulkoodii hore dib u doorteen.

Ergooyin laga soo xulay xaafadaha oo isugua jira, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo haweenka, ayaa dooranaya guddoomiyayaasha, waana hab cusub oo dowladda hoose ee Garowe ay ku doonayso in guddoomiye kasta uu ku yimaado rabitaanka qeybaha kala duwan ee bulshada xaafadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan harsan labada xaafadood ee Waaberi iyo Hodan oo ah labada xaafadood ee ugu waa-wayn xaafadaha magaalada Garowe, kuwaas oo maalmaha soo socda la billaabayo xulista ergooyinka doorashada. waxayna degmadu u samaysay guddi madax- bannaan oo doorashada maamula, iyadoo u diyaarisay hab-raac gaar ah.

Intii ay socdeen doorashooyinka xaafadaha, ma jirto wax cabasho ama dhaliil ah oo ka yimid. waxaana taas beddelkeed lagu bogaadiyay dowladda hoose inay qabatay doorasho hufan oo dadka kusoo baxay berrito lagula xisaabtamidoono waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

Dadweynuhuna waxay xaq uleeyihiin inay kula xisaabtamaan guddoomiyihii ka gaabiya waxqabadka xaafadiisa.

Duqa Garowe: Waxaan derejada qalin jebinta ka gaarnay mashruuca JPLG.

Duqa magaalada Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa ka warbixiyay sida ay degmada Garowe ee caasimadda Puntland uga faaidaysatay mashruuca JPLG, kadib markii uu maanta ka qeyb galay shir dib loogu eegayay sida ay degmooyinka Puntland uga faaidaysteen mashruucan.

Mashruuca JPLG oo magaalada Garowe kasoo bilowday 12 sano kahor, ayuu Duqu sheegay inay Garowe tahay mid kamid ah magaalooyinka sida ugu wanaagsan uga faa’idaysatay mashruuc, isagoo sheegay in laga dhaxlay horumar.

Language »