Duqa Garowe, Axmed Barre oo kulan la qaatay wafdi ka socday Bangiga adduunka

Duqa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday bangiga adduunka oo soo gaaray magaalada Garowe.

Kulankaan ayaa looga wada hadlay dhameystirka mashaariicdii uu world Bank maalgaliyay ee laga fuliyay magaalada Garowe sannadihii ugu dambeeyay iyo u kuur-galida halka ay marayaan mashaariicda cusub ee haatan socota.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA KULANKA.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland iyo Duqa Garowe oo furay tababarka madasha Talo-wadaag

Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Puntland mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Duqa caasimadda Garowe, Mudane, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), ayaa maanta Garowe ku daahfuray tababar ku saabsan hannaanka farriimaha la isugu gudbiyo ee Talo-Wadaag.

Madasha talo-wadaag, waa madal bulsheed oo loogu talo galay in ay muwaadiniinta u sahasho ka qeyb qaadashadooda horumarinta magaaladooda

Madasha Talo-wadaag waxaa maamula oo kormeera dowladda hoose ee Garowe, waxaana qof walba marka uu iska diiwaan galiyo uu awood u leeyahay inuu kusoo gudbiyo aragtidiisa ku aadan horumarka.

Halkaan hoose ka daawo macluumaadka oo dhan.

D/H Garowe oo tababar u furtay macallimiin xaafaddaha usii tababaraya boolisaynta

Xafiiska arrimaha bulshada ee dowladda Garowe ayaa maanta soo abaabulay tababarka tababarayaasha 9 xaafaddood iyo 28 kaam ee barakacayaasha, waxaana loo tababarayaa boolisaynta bulshada.

18 tababare oo si rasmi ah uga diiwaan gashan degmada Garowe, ayaa marka tababarkan la siiyo waxay iyagana sii tababari doonaan dadweynaha ku nool xaafaddaha magaalada iyo barakacayaasha.

Mashruucaan oo ay degmadu maal galisays ayaa wuxuu qeyb ka yahay maamul daadajinta xagga amniga, iyadoo la kaashanaysa xafiiska waaxda Booliisaynta Puntland

Halkaan ka daawo muuqaalka tababarka.

Language »