GAROWE: BAAHIN QANDARAAS DAYACTIR MCH IYO HEALTH POST

Ref: R GD/DG/42/2021                                                                      Date: 18th, September, 2021

Baahin Qandaraas

Golaha deegaanka ee degmada Garowe.wuxuu ka helay maalgelin mashruuca qaramada midoobay ee Dawladaha hoose ee adeega iyo maamul-daadejinta (UNICEF-JPLG),waxaanu doonayaa in qayb ka mid ah maalgellinta uu u isticimaalo mashaariicaha kala ah: ……   dayactir  MCH iyo  Health post  oo ku yaala Degmada Garowe.

Sidaas darteed, Golaha Deegaanka ee Degmada Garowe waxay naadinayaan shirkado qandaraasleyaal ah oo ku haboon inay qabtaan Qandaraaskaan hoos ku qoran oo ah:-

  • dayactirka MCH Tuulada  Xamxamaa
  • Dayactirka Health Post Tuulada Doodhays

Qoraalka qandaraaska waxa la helayaa laga billaabo taariikhda: 18/09/2021  ilaa 25/09/2021

Gollaha deegaanka  waxa uu ka qaadaya qiime dhan  $20 qandaraaskiiba. Cida soo doonata waxa loo jari doonaa rasiidh. Qandaraaslayaashuna waa inay ku soo lifaaqaan rasiidhkan codsiga qandaraaska.

Qandaraaskan dhamaan dokumintigiisa waa in la soo diyaariyaa iyadoo la raacayo tilmaamaha la siiyey qandaraaslayaasha iyo qoraallada kale ee  qoraalkan ku xusan.

Qandaraasyada oo dhan waa in lagu soo gudbiyaa seddex nuqul, waana in lagu soo hagaajiyaa:  Xarunta Dawlada Hoose ee Garowe ama Emailkan:- Saiddhegadhere@gmail.com

ka hor wakhtiga;10:00;PM Taariikhda;25/09/2021

 Qandaraska dokumintigiisa waxa la furrayaa;

(taariikh;/25/09/2021, , (wakhtiga;10:00 am—- ilaa 12:00 pm

Qandaraasyada waxaa la furayaa iyadoo ay goobjoog ka yihiin wakiilada qandaraaslayaasha doonaya inay soo xaadiraan.

Qandaraaslayaasha waxa loogu yeedhayaa inay yimaadaan shir qandaraas, 2 cisho ka dib maalinta qandaraaska la naadiyo, taariikhda; 20/09/2021, waqtiga :- 09 :AM_

Goobta Hoolka D/Hoose Garowe si loogu sharxo wixii faahfaahin ah ay uga baahan yihiin qoraalka qandaraaska.

Mahadsanidiin

            Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee D/hoose Garowe 

        Said Abdikariim Mohamud

+252-90-7111035

Waxyaabaha loo baahan yahay in lagu soo lifaaqo Qandaraaska;

NoDocumentsDescriptionSubmitted
YesNo
1Original – Certificate of registration And Tander BodFrom the district
2Original – Receipt of each bid document ($10)From the district
3Copy – Completion projectsThe past three years completed projects (UN, INGOs etc)
4Copy – CV’s of Project engineer with certificateProject engineer’s CV’s
5Copy – the company’s ProfileCompany profile
6Bid fully pricesPriced BOQ, the bidding documents (amount in words and amount in figures)
7Bid signingTo sign and to stamp the bidding documents (form of tender and BOQs)

D/H Garowe oo tababar u furtay macallimiin xaafaddaha usii tababaraya boolisaynta

Xafiiska arrimaha bulshada ee dowladda Garowe ayaa maanta soo abaabulay tababarka tababarayaasha 9 xaafaddood iyo 28 kaam ee barakacayaasha, waxaana loo tababarayaa boolisaynta bulshada.

18 tababare oo si rasmi ah uga diiwaan gashan degmada Garowe, ayaa marka tababarkan la siiyo waxay iyagana sii tababari doonaan dadweynaha ku nool xaafaddaha magaalada iyo barakacayaasha.

Mashruucaan oo ay degmadu maal galisays ayaa wuxuu qeyb ka yahay maamul daadajinta xagga amniga, iyadoo la kaashanaysa xafiiska waaxda Booliisaynta Puntland

Halkaan ka daawo muuqaalka tababarka.

Dowladda hoose ee Garowe oo daryeel caafimaad u sameysay xoolihii magaalada Garowe laga saaray.

Dowladda hoose ee Garowe oo kaashanaysay jaamacaddaha bariga Afrika ayaa daryeel caafimaad u sameeysay in ka badan 600 neef oo Ari ah, kuwaas oo ahaa xoolihii ku dayacnaa magaalada Garowe ee degmadu xaraysay.

Duqa magaalada Garowe Axmed Barre iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay goobta xoolahan loogu sameynayay daawaynta, oo ah tuulada Ceel Wacaysayd ee hoos taga magaalada Garowe.

Duqa caasimada, mudane Axmed Barre ayaa mar kale dadweynaha ugu baaqay  in ay xoolahooda ka xaraystaan magaalada, wuxuuna sheegay in xoolahaas ay magaalada dhibaato badan ku hayaan, iyaguna ay ku dayacan yihiin.

Wuxuu sheegay in golaha deegaanka qaatay go’aan adag oo ku saabsan in magaalada aan lagu reebin hal neef oo ari ah, wuxuuuna duqa magaaladu digniin xoogan ujeediyay dadka weli xoolaha magaalada kusoo daaya.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO.

Duqa Garowe oo ka qeyb galay dhagax dhigga dib u dhiska isbitaalka guud ee Garowe.

Duqa magaalada Garowe mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu dhagax dhiggayay dib u dhis ballaaran oo lagu sameynayo isbitaalka guud ee Garowe.

Duqa caasimadda kalmad kooban ka jeediyay munaasabada, ayaa sheegay in dib u dhiska isbitaalka Garowe uu qeyb ka yahay tallaabooyin horumar ah oo caasimadda ka hirgalidoona sanadkan iyo sanadaha ku xiga.

Duqu wuxuu ugu bishaareeyay dadweynaha caasimadda in dowladda hoose ay buundo saari doonto wadada isbitaalka iyo laami cusub oo sahlaya waddooyinka isbitaalka loosii maro oo dadweynuhu haatan dhib ku qabaan.

halkaan ka daawo kalmada duqa caasimadda.

Language »