



Xoghayaha dowladda hoose ee Garowe mudane Maxamuud Cali Gurey ayaa maanta kulan la qaatay agaasimayaasha iyo shaqaalaha ka howlgala waaxyaha howlaha guud iyo dakhliga.
Kulankaan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo dardar galin lahaa soo xaraynta Dakhliga iyo sidii kormeer joogto ah loogu sameyn lahaa dadka caadaystay inay dhistaan waddooyinka.

Duqa Garowe mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo maanta xafiiskiisa kula shiray saraakiil ka socotay xafiiska Champion Office ee hoos taga madaxweyne ku xigeenka Puntland, xafiiskaas oo qaabilsan maamul daadajinta. Waxaa laga wada hadlay in maamulka lagasoo daadajiyo wasaaraddaha, loona soo daadajiyo dowladdaha hoose.

Duqa magaalada Garowe, mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa warbixin ku saabsan sida ay caasimadda Puntland uga faa’idaysatay nidaamka macluumaadka maamulka maaliyadda dadweynaha (PFMIS), ka jeediyay shirka guddoomiyayaasha degmooyinka Soomaaliya ee ka socda magaalada kigali.
Nidaamka PFMIS oo ay degmada Garowe ku shaqeyso, ayuu Duqu sheegay, ujeedada guud ee laga leeyahay inay tahay, in la helo nidaam maaliyaddeed oo leh hanti dhawr ku filan si loo horumariyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta.
Arrimaha ay degmada Garowe ka faa’iday PFMIS, waxaa kamid ah sida uu guddoomiyuhu ka sheegay shirka Kigali (Ruwanda);Sugnaanshaha iyo hufnaanta xogta maaliyadeed ee dadweynaha.Kororka dakhli ururinta.Bixi xogta go’aan qaadashada maaliyaddeed.Xakamaynta iyo kordhinta dakhliga gudaha.Kor uqaadida kalsooni dowladda.Soo jiidashada maalgashiga iyo deeq bixiyayaasha.Iyo Hrumarinta nolosha muwaadiniinta.
Sidoo kale, Duqa caasimadda Garowe ayaa shirka Kigali kusoo bandhigay warbixin ku saabsanayd masterka plan-ka caasimadda iyo qorshaha horumarinta degmada ee shanta sano.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARBIXINADA.





Brief Introduction
Garowe is the capital city of Puntland State of Somalia. Its local administration comprises of the Mayor, Deputy Mayor, Local Council, Executive Secretary (appointed by the Ministry of Interior) and departments. The Mayor Ahmed Said Muse (Ahmed Barre) was elected by city councilors on August 29, 2018. The Local Council is elected by clan elders, and performs the mandated constitutional authorities, duties, and responsibilities as per Law No.7 of 18th September 2003. Administratively, the district has a local council comprising of 27 members and headed by a mayor. 5 of the 27 local council members elected in 2015 were female local councilors. The district has executive committee of 9 councilors who hold regular weekly meetings. The district has adopted a new harmonized organizational structure issued by the Puntland Ministry of Interior, Federal Affairs and Democratization.
See below the full Report or download.



THE LOCAL GOVERNMENT OF GAROWE
Specific Procurement Notice
Request for Bids
Small Works
(One-Envelope Bidding Process)
Country: FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
Name of Project: Somalia Urban Resilience Project Phase II (SURP-II)
Contract Title: Construction of Garowe Municipality Roads – Package 2 (Gambol road 1.22Km and 145m Togga Garowe bridge)
Grant No.: P170922
RFB Reference No.: SO-GM-256577-CW-RFB
The construction period will be Fifteen (15) months and a Defects Liability Period of Twelve (12) months.
SURP II COORDINATOR
Garowe Municipality
Email address: procurement.surp@gmail.com
and inspect the bidding document during office hours 0900 HRS to 1500 HRS from Saturday to Thursdayat the address given below.
PIU COORDINATOR
PIU Office-Ministerial Road –Behind Martisoor Hotel
Garowe Municipality,
Puntland State
FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA
Email: procurement.surp@gmail.com

Duqa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socday bangiga adduunka oo soo gaaray magaalada Garowe.
Kulankaan ayaa looga wada hadlay dhameystirka mashaariicdii uu world Bank maalgaliyay ee laga fuliyay magaalada Garowe sannadihii ugu dambeeyay iyo u kuur-galida halka ay marayaan mashaariicda cusub ee haatan socota.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA KULANKA.


Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Puntland mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Duqa caasimadda Garowe, Mudane, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), ayaa maanta Garowe ku daahfuray tababar ku saabsan hannaanka farriimaha la isugu gudbiyo ee Talo-Wadaag.
Madasha talo-wadaag, waa madal bulsheed oo loogu talo galay in ay muwaadiniinta u sahasho ka qeyb qaadashadooda horumarinta magaaladooda
Madasha Talo-wadaag waxaa maamula oo kormeera dowladda hoose ee Garowe, waxaana qof walba marka uu iska diiwaan galiyo uu awood u leeyahay inuu kusoo gudbiyo aragtidiisa ku aadan horumarka.
Halkaan hoose ka daawo macluumaadka oo dhan.