Duqa Garowe oo u sheegay dadweynaha in dowladda hoose Garowe canshuurta ku qaado Shilin Soomaali.

Duqa caasimadda Puntland ee Garowe, Axmed Muuse Siciid (Axmed Barre), ayaa u mahad celiyay shacabkii maanta dareenkooda ku muujiyay sida nabad gelyada ah, kuwaas oo ka cabanayay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga iyo sicirka bararka dollarka.

Duqa Garowe ayaa soo dhoweeyay in dadweynuhu dareenkooda si nabad galyo ku jirto ku muujiyaan, wuxuuna ku booriyay in ay ilaalayaan hantida guud ee ummada ka wada dhaxaysa.

Duqu wuxuu u sheegay dadweynaha in lacagta shilin Soomaaliga ay shaqeynayso islamarkaana dowladda hoose ee Garowe ay ku qaado canshurta kuna bixiso mushaharaadka shaqaalaha degmada.

“Anagu ka degmo ahaan, waxaan shilinka Soomaaliga ku qaadanaa casnhuurta suuqyada xoolaha, kalluunka, khudaarta, firshada iyo dhammaan canshuuraha maalin laha ah oo dhan,’ ayuu yiri Duqu.

Axmed Barre, ayaa ganacsatada faray in ay qaataan lacagta shilinka Soomaaliga, isagoo sheegay ganacsadihii ka hor yimaada awaamiirta dowladda in laga qaadayo tallaabo waafaqsan sharciga.

Halkaan ka daawo shirka jara’id duqa Garowe.

Mashaariic isku tashi ah oo ka socda degsiimooyinka hoos yimaada Garowe.

Deegaanka Koobali oo ka Tirsan Degmadda Garoowe, ayaa waxaa Kormeer Ku tegay Masuulin ka Socata Dowladda Hoose ee Degmadda Garowe oo uu Hogaaminayo Xildhibaan Maxamuud Abshir Fandhe.

Ujeedada Socdaalkaan ayaa ah u kuurgal xaladaha bulshada gaar ahaan adeegyada bulshada, waxayna xariga ka jareen mashaariic si isku tashi ah looga hirgaliyay degaankaas, kuwaas oo ay shacbku meelgashadeen.

Mashaariicda dowladda hoose Garowe ay ka fulisay tuulooyinka sannadkii 2021.

December 2021:- Dowladda hoose hoose ee degmada Garowe oo ka duulaysa horumarinta tuulooyinka hoos yimaada caasimadda, ayaa waxay xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho ka hirgalisay tuulooyinka Garyaqaan, Xamxamaa, Dood-hays iyo Caano yaskax.

Iyadoo ka duulaysa baahiyaha lagasoo aruriyay tuulooyiinka kor ku xusan, waxay dowladda hoose ee degmada Garowe tuulooyinka Xamsamaa iyo Dood-hays ka hirgalisay labo xarumood oo caafimaad (Health post), oo loogu talo galay inay adeegyo caafimaad oo bilaash ka helaan hooyada iyo dhallaanka ee tuulooyinkaas.

Dhismaha xarumahan caafimaad ayaa qeyb ka ah mashaariicda JPLG ugu jira horumarinta degmada Garowe, kuwaas oo la qorsheeyay in la fuliyo sanadkan 2021, iyadoo la doonayo in bulshada looga faaideeyo, si ay adeegyo caafimaad uga helaan.

Sidoo kale, dowladda hoose Garowe waxay tuulooyinka Garyaqaan iyo Caano yaskax ka hirgalisay dhismayaal waxbarasho oo loogu talo galay waxbarashada aas aasiga ah. Dhammaan mashaariicdan ayaa si guul ah loo fuliyay, iyadoo haatan bulshada deeganadaas ay si wacan uga faaidaysanayaan. Golaha deegaanka ee degmada Garowe ayaa ku meel mariyay mashaariic kalfadhigoodii ugu dambeeyay ee December 2021.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA MASHAARIICDA LA FULIYAY.

Guddiga dhulka danta guud ee degmada Garowe oo kulan la qaatay dadka iska leh boosaska bannaan.

Guddiga dhulka danta guud ee degmada Garowe ayaa maanta kulan la qaatay dadka iska leh dhulka aagga Naaso-hablood, iyagoo kala hadlay sidii dhulkooda looga jari lahaa dhulka loo asteeyay danta guud.

Dadka dhulka leh ayaa soo dhoweeyay sheegayna inay diyaar u yihiin in dhulkooda ka baxshaan danta guud, sidoo kale guddiga ayaa uga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeen una aqbaleen codsiga dowladda hoose.

Language »