Dowladda hoose Garowe oo bilowday olole lagu bannaynayo toggaga la dagay.

Dowladda hoose Garowe ayaa bilowday olole lagu bannaynayo toggaga, si looga gaashaanto qataraha haddii ka dhalan kara, iyadoo cashar laga qaadanayo dhibaatadii ka dhacday magaalada Qardho sanadkaan.

Waxay dowladda hoose sheegtay inay butburinayso dhamaan dhismayaasha iyo boosaska laga dhex sameystay togga Laan Cali firin iyo toggaga kale ee ku teedsan magaalada Garowe.

Xoghayaha dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Gurey ayaa u qabtay illaa sabtida inay ka guuraan dadka dhex dagay togga kana qaataan wixii hanti ah ee u yiila, isagoo sheegay in cagta la marsiindoono.

Xoghayuhu wuxuu tilmaamay in ay masuuliyad ka saaran tahay badbaada shacabkooda ayna ogyihiin halista ku gedaaman inay la mid tahay masiibadii ka dhacay magaalada Qardho

Halkaan hoose ka daawo.

Safarkii duqa Garowe ku tagay tuullada Xamxamaa.

Duqa caasimadda Puntland ee Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa booqasho ku tagay tuullada Xamxamaa oo kamid ah tuullooyinka kuyaala howdka gobolka Nugaal lagana xukumo degmda Garowe.

Duqa iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa la kulmay odayaasha tuullada Xamxamaa iyagoo ka dhegaystay warbixin ku saabsanayd baahiyaha ka jira Tuullada iyo waxqabsigooda.

Odayaasha degaanka ayaa dowlada hoose uga mahad celiyay inay degaanka ka fulisay mashaariic kala duwan oo lagu taageerayay horumarka waxbarashada iyo nabad gelyada.

Waxay sidoo kale Duqa caasimadda uga mahad celiyeen inuu mar walba xidhiidh joogto laleeyahay tuullooyinka iyo degaanada caasimadda ka baxsan kanasoo jawaabo baahiyaha degdega ah ee loosoo gudbiyo.

Halkaan ka daawo duqa iyo odayaasha Xamxamaa.

Language »