Duqa Garowe oo la kulmay wafdi ka socday hay’adda UNCDF.

Duqa magaalada Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenkiisa Maxamed Cali Maxamed iyo xoghayaha dowladda hoose, Maxamuud Cali Xasan Gurey, ayaa la kulmay masuuliyiin ka socday Sanduuqa Horumarinta Raasamaalka ee Qaramada Midoobay (UNCDF).

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen horumarinta caasimadda. Waxay booqdeen mashaariicda ka socoto magaalada Garowe oo uu kamid yahay dhismaha guriga dowladda hoose ee Garowe.

Sidoo kale, waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah, sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga magaalada Garowe iyo sidii loo keeni lahaa mashaariic badan oo laga wada shaqeeyo.

Madaxda ka socotay UNCDF waxay ku amaaneen masuuliyiinta dowladda hoose ee Garowe hoggaaminta mashaariicda horumarinta ee haatan socda iyo kuwa horey loo fuliyay.

Xafiiska Warfaafinta iyo wacyi-galinta dowladda hoose Garowe.

Duqa Garowe oo warbixin ka jeediyay shirka guddoomiyayaasha Soomaaliya ee Kigali ka socda.

Duqa magaalada Garowe, mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa warbixin ku saabsan sida ay caasimadda Puntland uga faa’idaysatay nidaamka macluumaadka maamulka maaliyadda dadweynaha (PFMIS), ka jeediyay shirka guddoomiyayaasha degmooyinka Soomaaliya ee ka socda magaalada kigali.

Nidaamka PFMIS oo ay degmada Garowe ku shaqeyso, ayuu Duqu sheegay, ujeedada guud ee laga leeyahay inay tahay, in la helo nidaam maaliyaddeed oo leh hanti dhawr ku filan si loo horumariyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta.

Arrimaha ay degmada Garowe ka faa’iday PFMIS, waxaa kamid ah sida uu guddoomiyuhu ka sheegay shirka Kigali (Ruwanda);Sugnaanshaha iyo hufnaanta xogta maaliyadeed ee dadweynaha.Kororka dakhli ururinta.Bixi xogta go’aan qaadashada maaliyaddeed.Xakamaynta iyo kordhinta dakhliga gudaha.Kor uqaadida kalsooni dowladda.Soo jiidashada maalgashiga iyo deeq bixiyayaasha.Iyo Hrumarinta nolosha muwaadiniinta.

Sidoo kale, Duqa caasimadda Garowe ayaa shirka Kigali kusoo bandhigay warbixin ku saabsanayd masterka plan-ka caasimadda iyo qorshaha horumarinta degmada ee shanta sano.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARBIXINADA.

Language »