
GAROWE LOCAL GOVERMENT FINANCIAL STATEMENT FOR THE YEAR ENDED 2020.
Garowe local government is presenting the financial statements for the year ended 2020, which were approved by the local council. See below or download

Garowe local government is presenting the financial statements for the year ended 2020, which were approved by the local council. See below or download



Dowladda hoose ee Garowe oo kaashanaysay jaamacaddaha bariga Afrika ayaa daryeel caafimaad u sameeysay in ka badan 600 neef oo Ari ah, kuwaas oo ahaa xoolihii ku dayacnaa magaalada Garowe ee degmadu xaraysay.
Duqa magaalada Garowe Axmed Barre iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay goobta xoolahan loogu sameynayay daawaynta, oo ah tuulada Ceel Wacaysayd ee hoos taga magaalada Garowe.
Duqa caasimada, mudane Axmed Barre ayaa mar kale dadweynaha ugu baaqay in ay xoolahooda ka xaraystaan magaalada, wuxuuna sheegay in xoolahaas ay magaalada dhibaato badan ku hayaan, iyaguna ay ku dayacan yihiin.
Wuxuu sheegay in golaha deegaanka qaatay go’aan adag oo ku saabsan in magaalada aan lagu reebin hal neef oo ari ah, wuxuuuna duqa magaaladu digniin xoogan ujeediyay dadka weli xoolaha magaalada kusoo daaya.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO.

Duqa magaalada Garowe mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu dhagax dhiggayay dib u dhis ballaaran oo lagu sameynayo isbitaalka guud ee Garowe.
Duqa caasimadda kalmad kooban ka jeediyay munaasabada, ayaa sheegay in dib u dhiska isbitaalka Garowe uu qeyb ka yahay tallaabooyin horumar ah oo caasimadda ka hirgalidoona sanadkan iyo sanadaha ku xiga.
Duqu wuxuu ugu bishaareeyay dadweynaha caasimadda in dowladda hoose ay buundo saari doonto wadada isbitaalka iyo laami cusub oo sahlaya waddooyinka isbitaalka loosii maro oo dadweynuhu haatan dhib ku qabaan.
halkaan ka daawo kalmada duqa caasimadda.

Hanti dhowrka guud ee dowladda Puntland ayaa soo gabagabeeyay baarista dowladda hoose ee degmada Garowe iyada oo la eegayay sanad xisaabeedkii dhamaaday ee 2020.
Halkaan hoose ka daalaco warbixinta oo dhameystiran oo PDF ah.

Dowladda hoose ee Garowe oo diyaarinaysa waddooyin muhiim ah oo mustaqbalka dhow jaamka iyo culayska ka dulqaadi doona waddada laamiga ah ee weyn.



Dawladda Hoose ee Degmada Garoowe waxay fulinaysaa Wejiga Labaad ee Mashruuca uu
maalgelinayo Bangiga Adduunku oo la yiraahdo mashruuca Adkasiga Magaallooyinka Soomaaliyeed.
Dawladda Hoose ee Degmada Garoowe waxay qorsheysay in ay mashruucyadan ku dhisto shan (5) waddo oo laami ah iyo hal (1) buundo. Waddooyinka la dhisi doono cabbirkoodu waxay dhan yihiin 7.6km. waxayna kala yihiin:
Haddada, Riix linkiyadan hoose oo ay ku dhan yihiin macluumaadka oo idil.