Dawladda Hoose ee Degmada Garoowe waxay fulinaysaa Wejiga Labaad ee Mashruuca uu
maalgelinayo Bangiga Adduunku oo la yiraahdo mashruuca Adkasiga Magaallooyinka Soomaaliyeed.
Dawladda Hoose ee Degmada Garoowe waxay qorsheysay in ay mashruucyadan ku dhisto shan (5) waddo oo laami ah iyo hal (1) buundo. Waddooyinka la dhisi doono cabbirkoodu waxay dhan yihiin 7.6km. waxayna kala yihiin:
- Waddada Waaberi (aargada Saddex Xiddigood ilaa Kaam Shabeelle);
- Waddada Injida (waxay isku xiraysaa Waddooyinka Islaan Maxamed iyo Shiikh
Cabdulqaadir; - Waddada 30-ka (dhanka Koonfureed);
- Waddada Towfiiq (wadada hormarta Isbageeti);
- Waddada hormarta Dugsiga Sare ee Gambool, Jaamacadda Dawladda Puntland
(Puntland State University) iyo Cisbitaalka Garoowe; iyo - Buundo loo maro Cisbitaalka iyo Goobaha kale ee Waxbarashada.
Haddada, Riix linkiyadan hoose oo ay ku dhan yihiin macluumaadka oo idil.