WARGELINTA DADWEYNAHA EE QORSHA HAWLEEDKA DIB-U-DEJINTA

DOWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAROOWE DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA

Dolwadda Hoose ee Degmada Garoowe, iyada oo ka faa’iidaysanaysa wejiga labaad ee taageerada mashruuca uu maalgeliyo Bangiga Adduunka ee adkaysiga[1] magaalooyinka Soomaaliyeed, waxa ay qorsheysay in la hirgeliyo dhuumo biyaha roobabka (daadadka) ka saara magaalada. Waxaa la diyaariyay dhammaan daraasadihii iyo naqshadi ku habboonayd ee magaalada biyaha roobka looga saari lahaa. Wejiga koowaad iyo biyo-saarka, waxaa la qorsheeyay in la hirgeliyo dhismaha dhuumaha biyaha qaada oo cabbirkeedu dhan yahay 1.8 kilomitir oo la dhexmarin doono xaafadaha Hanti-wadaag iyo Hodan.

Iyada oo la tixraacayo shuruucda Dowladda Puntland, kuwa heer qaran iyo halbeegyada la xiriira deegaanka iyo bulshada ee Bangiga Adduunka, gaar ahaan halbeega shanaad (5aad) ee ku aaddan dhul kala noqoshada, xadididda isticmaalka dhulka, iyo barakaca aan khasabka ahayn, waxaa dib-u-eegis lagu sameeyay qorshaha dib-u-dejinta kaas oo qeexaya hawlaha ay dowladdu ka qaban doonto saameynta taban ee uu mashruucu ku yeelanayo dadka iyo hantidooda.

Waxaa qiimeyn balaadhan lagu sameeyey saameynta taban ee hirgelinta dhuumaha biyo-saarku ku yeelan karo hantida bulshada, waxaana la ogaaday in guud ahaan mashruucu uu saameynayo saddex (3) guri iyo 21 goobood oo ganacsi (dukaamo).

Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa bixinaysa magdhawga hantidan ka hor inta aysan bilaaban hawlaha la xiriira dhismaha dhuumaha biyo-saarka. 

Dhigaatiyada internetka iyo tuubooyinka biyaha ee dhexyaal goobta la dhigay dhuumaha biyo saarka si feejigan baa loo maareyn doonaa. Dhigaatiyada internetka iyo tuubooyinka waa la ilaalin doonaa, halka tiirarka korontada meelaha ku habboon loo wareejin doono. Qiimeyntii la sameeyey waxaa lagu ogaaday in aysan jirin wax barakac ah ama burburin dakhli ee qoysaska mashruucu saameynta ku yeeshay.

Qorshaha-dib-u-dejintu waxa uu qeexayaa yoolasha iyo waqtiga fulinta mashruuca, shuruudaha ka mid noqoshada dadka mashruucu saameeyey, shuruucda iyo hay’adaha dawliga ah ee ku lug leh, habka loo maray qiimeynta hantida dadka mashruucu saameeyey, cadadka magdhawga, ka qaybgalka iyo la tashiga bulshada, iyo habka xallinta tabashooyinka la xiriira qorshaha. Dadka loo aqoonsaday in mashruucu saameyn taban ku yeeshay waa dadka hantidooda la qiimeeyey wixii ka horeeyay 19-22 Febraayo, 2025.

Ugu dambeyn, Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe waxaa mar walba ka go’an dhowridda iyo horumarinta deegaanka iyo arrimaha bulshada. Gaar ahaan, mashruucan waxa uu bulshada ku dhaqan Caasimadda u leeyahay muhiimad weyn, waxaana dhowaan bilaaban doona hawlaha dhismaha ee hirgelinta dhuumaha biyo-saarka.

Mahadsanidiin,

Download Document Here

Wada Shaqayn Wacan,

WARGELINTA DADWEYNAHA EE QORSHAHA MAAREYNTA DEEGAANKA IYO BULSHADA

DOWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAROOWE DOWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYEED

Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe waxay si hufan oo guul ah u fulisay wejiga labaad ee mashruuca uu maalgeliyo Bangiga Adduunka ee adkaysiga[1] magaalooyinka Soomaaliyeed. Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe waxay dhistay shan (5) waddo oo laami ah iyo hal (1) buundo. Waddooyinka iyo buundada la dhisay wadarta cabbirkoodu waxa ay dhan yihiin 11.48 kilomitir waxayna kala yihiin:

 

    1. Waddada Waaberi – 1.4 kilomitir (aaga Saddex Xiddigood ilaa Kaam Shabeelle);

  1. Waddada Injida – 0.7 kilomitir (waxay isku xiraysaa Waddooyinka Islaan Maxamed iyo Shiikh Cabdulqaadir);
  2. Waddada 30-ka – 4.5 kilomitir (dhanka Galbeedka);
  3. Waddada Towfiiq – 2.14 kilomitir (wadada hormarta Maqaayada Isbageeti);
  4. Waddada hormarta Dugsiga Sare ee Gambool/Jaamacadda Dawladda Puntland (Puntland State University)/Cisbitaalka Guud ee Garoowe – 2.6 kilomitir; iyo
  5. Buundo loo maro Cisbitaalka Guud iyo goobaha kale ee waxbarashada – 0.14 kilomitir.

Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe waxa ay mudnaan siisay sidii wax looga qaban lahaa biyaha fariista xaafadaha magaalada, gaar ahaan xili roobaadyada. Si biyaha xili roobaadyada looga saaro magaalada, Dolwadda Hoose waxa ay diyaarisay daraasadda biyo-saarista magaaalada, sidoo kale waxay qiimeyn ku sameysay heerka halista daadadka. Si loo maareeyo daadadka xili roobaadka,

Dowladda Hoose waxa ay diyaarisay naqshada biyo-saarka magaalada, qorsheysay hirgelinta dhuumaha biyo-saarka magaalada oo wadarta cabbirka dhuumaha waaweyn ay dhan yihiin 20 kilomitir, halka kuwa yaryar ay yihiin 14 kilomitir. Wajiga kowaad ee hirgelinta biyo-saarista magalaada, waxaa la qorsheeyay in la dhiso kanaal dhererkiisu yahay 1.8 kilomitir. 

Sidoo kale, Dowladda Hoosee ee Degmada Garoowe waxay diyaarisay qorshaha maareynta deegaanka iyo bulshada (QMDB) iyada oo tixraacaysa shuruucda Dowladda Soomaaliya, Dowladda Puntland iyo halbeegyada Bangiga Adduunka ee ku aadan dhowrista deegaanka, iyo bulshada. Siddeed (8) ka mid ah tobanka (10) halbeeg ee deegaanka iyo bulshada ee uu meel mariyey Bangiga Adduunka ayaa mashruucan lagu dabakhay

QMDB waxa uu qeexaya saameynta taban ee hawlaha mashruucu ku keeni karo deegaaanka iyo bulshada ku nool magaalada, isla mar ahaantaasna qorshu waxa uu tibaaxayaa hawlaha u baahan in wax laga qabto si loo maareeyo saameynta si waafaqsan shuruudaha Bangiga Adduunka. Qorshahan waxaa kaabaya qorshayaasha kale ee lagu maareynayo deegaanka iyo bulshada kuwaas oo ay ka mid yihiin:

 

    1. Qaab-dhismeedka maareynta deegaanka iyo bulshada;

    1. Habraaca maareynta shaqaalaha;

    1. Qorshaha hawlgelinta daneeyayaasha;

    1. Qorshe hawleedka dib-u-dejinta; iyo

    1. Qorshaha maareynta amniga goobta shaqada.

Diyaarinta QMDB waxaa lagu saleeyey latashiyo iyo xogo laga helay daneeyayaasha mashruuca iyo qiimeyn lagu sameeyey xaaladda dhaqan-dhaqaale ee bulshada ku nool aagga laga hirgelin doono kanaalada biyo-saarka magaalada. Qiimeyntii la sameeyay waxaa ka soo baxday in mashruucu saameyn kooban oo taban ku leeyahay deegaanka iyo bulshada. Sidoo kale, waxaa qiimeyntii lagu ogaaday in ay dhici karaan khataro ku imaan karaan deegaanka iyo bulshada, gaar ahaan aagga shaqada laga qaban doono.

QMDB waxaa si faah-faahsan looga dheehan karaa saameynta togan iyo kuwa taban ee mashruucu ku yeelan karo deegaanka iyo bulshada. Sidoo kale waxa uu tilmaamayaa hawlaha la rabo in wax laga qabto si looga hortago, loo yareeyo ama meeshaba looga saaro saameynta taban iyo khataraha ka dhalan kara heerarka iyo hawlaha la xiriira dhismaha biyo-saarka magaalada


Saameynta taban ee heerarka kala duwan ee dhismaha dhuumaha biyo-saarka Saameynta togan ee ka dhalanaya dhismha dhuumaha biyo-saarka
1-Burburinta guryaha/deyrarka ku yaalla goobaha dhuunta weyn la dhigi doono ee ciriirku ka jiro;·    
Dikhaw ku dhaca hawada, biyaha, IWM;·    
2-Sawaxan ka dhasha gaadiidka ama qalabka la isticmaalayo;·    
3-Khataro badqabka la xiriira ee ka dhalan kara waqtiga dhismaha waddooyinka sida shilalka baabuurta;·   
4- Noocyada kala duwan ee wasakhda;·    Biyaha roobka oo fariista xaafadaha qaarkood inta shaqadu socoto.·   
5- Bulshadu ama shaqaaluhu in ay u nuglanaadaan khataraha waqtiga shaqada dhigida dhuumaha ay socoto;·    Shaqaaqooyinka ka dhanka ah jinsiga·    
6- Shaqaaleysiinta carruurta; iyo·    
7-Isku socodka gaadiidka iyo dadka inta jeexida iyo dhigidda dhuumuhu socdaan.
1-Fursado shaqo abuur, gaar ahaan dadka xirfada leh sida injineerada, sahmiyayaasha dhulka, muruq-maalka, IWM;·  
2-Kor u kac dakhliga shaqaalaha ka faa’iideysanaya mashruuca;·  
3-Kor u kaca dhaqaalaha gudaha sida abuurida fursadaha ganacsiga;·    
4-Fududeynta in qaybaha kala duwan ee bulshadu si sahlan ku gaaraan goobaha adeeg bixinta;·   
5- Kor u qaadidda caafimaadka iyo fayo-dhowrka bulshada; iyo·    
6-Hormarinta bilicda guud ee magaalada iyo aagga waddooyinka laga hirgeliyey.

QMDB waxaa fulin doona Shirkada (Qandaraasle) dhisaysa dhuumaha biyo-saarka kor ku xusan, waxaana korjoogteyn doonta Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe iyo Hay’ada Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda ee loo yaqaan United Nations Office for Project Services (UNOPS).

Mahadsanidiin,                                               

Download Document Here

Wada Shaqeyn Wacan, Dawladda Hoose ee Degmada Garoowe

Guddoomiye Geeddi oo maanta isku diiwaangeliyay doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka Garoowe

Garoowe: 02 March 2023: Guddoomiyaha Degmada Garoowe Mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi, ayaa maanta iska diiwaangeliyay Degmada Garoowe oo ay si rasmi ah uga bilowmatay Is-diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashada Goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay maanta tahay maalin taariikhi ah oo dadka ku dhaqan Caasimadda Garoowe ay isu diiwaangelinayaan si ay codkooda ugu doortaan xubnaha ku metelaya Golaha deegaanka ee soo socda, sidaasi darteed wuxuu ku baaqay in la is-diiwaangeliyo.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta iska diiwaangeliyay Caasimadda Garoowe, si aan codkayga u dhiibto Doorashada Golaha deegaanka ee Degmada , Runtii maanta waa maalin taariikhi u ah Bulshada ku dhaqan Caasimadda Garoowe, waxay dadku isu-diiwaangeliyaan si ay codkooda ugu doortaan xubnaha ku metelaya Golaha deegaanka ee Degmada Garoowe.

Waxaan ku booraniyaa dadweynaha Garoowe iyo deegaannada hoos yimaada in ay is diiwaangeliyaan, waayo qofka Hadda is diiwaangeliya ayaa maalinta Doorashada Codeynaya, Waa fursad dahabi ah oo dadka loogu dhoweynayo awooda ha laga faa’ideysto Bulshooy.

Isdiiwaangeli maanta si aad Berito u codeyso!” Ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Garoowe, Mudane Geeddi.

Is-diiwaangelinta Doorashada Golaha deegaanka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowmatay Garoowe, waxaana munaasabadda daah-furka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka, Xubnaha Goleyaasha ee ku shaqo leh, Maamulka Gobolka , Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidanka, Ururada Bulshada, Hay’adaha ka shaqeynaya wacygelinta iyo korjoogto kala duwan.

DHAMMAAD.

TACSI

Waxaan ka tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Cabdifataax Maxamed Shire , oo ahaa Xoghayihii guud ee xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland oo maanta Garoowe ku geeriyooday. Wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay Dalka iyo dadkiisa oo xafiiskaasi joogay in ka badan 10sano , si gaar ah waxaan usoo wadashaqeynay muddadii aan ahaa Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada.

Marxuumka Alle janadii ha geeyo ehelkiisii iyo qoyskiisiina Samir iyo Iimaan Alle ha kasiiyo, Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland iyo guud ahaan Shaqaalaha Madaxtooyada.

Language »