






Maamulka degmada Garowe, kan gobolka Nugaal iyo taliska qeybta booliiska ayaa ganacsatada qeybahooda kala duwan kala shiray sidii loo dardar galin socodsiinta shilin Soomaaliga oo cabaqadiisu taagan tahay.
Masuuliyiinta ayaa ganacsatada ka dhegaysatay caqabadaha jira ee keenay in weli lacagta Soomaaliga socon la’dahay iyo xalka loo baahan yahay, si meesha looga saaro kalsooni darrada weli bulshadu ka qabto lacagtooda.
Gabagabadii waxaa la isku raacay in caqabadu ay tahay dad kooban oo lacagta diidaya, arrintaasoo bulshada sii saamaynaysa, waxaana la isku raacay in dowladdu tallaabo culus ka qaado ganacsidihii diida lacagta.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA.

Xoghayaha dowladda hoose ee Garowe Maxamuud Calu Guray iyo taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal ayaa maanta kormeeray suuqa Inji si ay ula socdaan sida lacagta shilin Soomaaligu u kala socoto.



Dowladda hoose ee Garowe oo meel wacan marsiinaysa bannaynta waddooyinka hareeraha laamiga magaalada Garowe. Waxay shaqadu hadda ka socotaa inta u dhaxaysa shirkadda Safa iyo kantaroolkii hore.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO.
