Archives August 17, 2022

Dowladda hoose Garowe oo qabatay Doorashadii 8-aad ee xaafaddaha Garowe.

Doorashadii 8-aad ee xaafaddaha Garowe ayaa maanta laga qabtay xaafadda Hodan, waxaana lagu doortay guddoomiye cusub iyo ku xigeen cusub, kadib doorasho aad loogu loolamay oo musharraxiintii ugu badnaa ee ay ku tartameen xilka guddoomiyaha iyo ku xigeenka.

Waxaa guddoomiyaha xaafadda Hodan loo doortay Cabdulqaadir Cabdullaahi Xasan, oo ay afar musharrax kula tarmayeen halka ku xigeenka loo doortay Faadumo Maxamuud Maxamed oo ay la tartamayeen labo musharrax.

Jidka soddonka oo laga qaadayo laamigii hore, laami cusubna la saarayo.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe ahna ku simaha duqa caasimadda, Maxamed Cali Maxamed iyo xoghayaha guud ee dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Xasan Gurey ayaa maanta kormeeray jidka soddonka oo lagu billaabay dayactir, si loo saaro laami cusub oo lamid ah midka dhawaan uu madaxweynaha Puntland xarriga ka jaray.

Mas’uuliyiinta degmada Garowe ayaa dadweynaha ku wacyi galiyay inay u dulqaataan inta ay shaqada ka socoto jidka soddonka islamarkaana aysan furin meelaha waddada laga xiray, gacanna siiyaan shirkadda dhisaysa.

Xoghayaha dowladda hoose Garowe, Maxamuud Cali Xasan Gurey ayaa sheegay in degmadu go’aansatay in hal laami ah casri ah oo isku cimri ah laga sameeyo jidka soddonka. Wuxuu ugu bishaareeyay dadweynaha ku ganacsada jidkaas inay helidoonaan waddo casri ah oo ay ku ganacsadaan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe, Maxamed Cali Maxamed ayaa sheegay dhaqaalaha lagu dhisay jidkan inuu yahay halkii dollar ee korantada iyo Biyaha ee shacabka la dulsaaray, iyo sidoo kale lacag dhan $150,000, oo ay dowladda hoose ee Garowe ku kabtay qarashka lagu dhisayo jidkan.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay inay dowladda hoose ku dadaalayso in waddada qeyb qeyb loo xiro, si aanu u saameyn ganacsiyada dadku ku leeyihiin jidka soddonka, wuxuuna dadweynaha u sheegay inay kaalintooda ka qaataan.

Dhismayaasha laamiyada iyo dayactirka kuwa burburay waa ahmiyadda koowaad ee shaqooyinka dowladda hoose ee Garowe. In ka badan 30 laami ayay haatan leedahay magaalada Garowe, kuwaas oo intooda badan ah kuwa casri ah oo la hirgaliyay sannadihii ugu dambeeyay.

Language »