Archives 2021

Maamulka degmada Garowe iyo gobolka oo ganacsatada kala shiray socodsiinta lacagta Shilin Soomaaliga.

Maamulka degmada Garowe, kan gobolka Nugaal iyo taliska qeybta booliiska ayaa ganacsatada qeybahooda kala duwan kala shiray sidii loo dardar galin socodsiinta shilin Soomaaliga oo cabaqadiisu taagan tahay.

Masuuliyiinta ayaa ganacsatada ka dhegaysatay caqabadaha jira ee keenay in weli lacagta Soomaaliga socon la’dahay iyo xalka loo baahan yahay, si meesha looga saaro kalsooni darrada weli bulshadu ka qabto lacagtooda.

Gabagabadii waxaa la isku raacay in caqabadu ay tahay dad kooban oo lacagta diidaya, arrintaasoo bulshada sii saamaynaysa, waxaana la isku raacay in dowladdu tallaabo culus ka qaado ganacsidihii diida lacagta.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA.

Dowladda hoose oo burburisay dhismayaal sharci darro oo laga dhistay hareeraha laamiga koonfurta Garowe .

Dowladda hoose ee Garowe, iyadoo fulinaysa go’aamadii kasoo baxay shirkii golaha deegaanka ee bishii december waxay qaaday tallaabooyin lagu burburinayo dhismayaal sharci darro ah oo laga dhistay hareeraha laamiga koonfureed ee magaalada.

Xoghayaha dowladda hoose, Maxamuud Cali Guray ayaa sheegay in la burburiyay dhismayaal laga sameystay baakinada laamiga, arrintaas oo horey loo mamnuucay ciddii dhisatayna aysan mar dambe hanti iska galin.

HALKAAN HOOE KA DAAWO.

Duqa Garowe iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal oo kulan la qaatay ganacsatada tafaariiqleyda.

Duqa caasimadda Garowe mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal, mudane Cawil Axmed Jabuuti, ayaa kulan la qaatay ganacsatada tafaariiqleyda ee suuqa Inji, iyagoo ka dhegaystay cabashadooda ku aadan diidmada lacagta shilin Soomaaliga.

Duqa iyo guddoomiyaha ayaa u sheegay ganacsatada in ay socodsiiyaan lacagta shilin Soomaaliga, iyagoo u caddeeyay in dowladdu bilowday taabo galinta go’aamadii xal u helida lacagta shilin Sooomaaliga.

Masuuliyiinta waxay ballanqaadeen wax kaste oo dhinaca dowladda ka xayiran in maamulka degmada iyo gobolku xal ka gaaridoonaan, balse loo baahan yahay in ganacsatada Garowe hormuud u noqdaan fulinta dhankooda waxa kaga aadan go’aamadii soo baxay.

HALKANA HOOSE KA DAAWO KULANKA.

Language »