Archives June 2021

Duqa Garowe oo ka qeyb galay dhagax dhigga dib u dhiska isbitaalka guud ee Garowe.

Duqa magaalada Garowe mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu dhagax dhiggayay dib u dhis ballaaran oo lagu sameynayo isbitaalka guud ee Garowe.

Duqa caasimadda kalmad kooban ka jeediyay munaasabada, ayaa sheegay in dib u dhiska isbitaalka Garowe uu qeyb ka yahay tallaabooyin horumar ah oo caasimadda ka hirgalidoona sanadkan iyo sanadaha ku xiga.

Duqu wuxuu ugu bishaareeyay dadweynaha caasimadda in dowladda hoose ay buundo saari doonto wadada isbitaalka iyo laami cusub oo sahlaya waddooyinka isbitaalka loosii maro oo dadweynuhu haatan dhib ku qabaan.

halkaan ka daawo kalmada duqa caasimadda.

Dawladda Hoose ee Garoowe waxay fulinaysaa Wejiga Labaad Mashruuc uu maalgelinayo Bangiga Adduunka.

Dawladda Hoose ee Degmada Garoowe waxay fulinaysaa Wejiga Labaad ee Mashruuca uu
maalgelinayo Bangiga Adduunku oo la yiraahdo mashruuca Adkasiga Magaallooyinka Soomaaliyeed.

Dawladda Hoose ee Degmada Garoowe waxay qorsheysay in ay mashruucyadan ku dhisto shan (5) waddo oo laami ah iyo hal (1) buundo. Waddooyinka la dhisi doono cabbirkoodu waxay dhan yihiin 7.6km. waxayna kala yihiin:

  1. Waddada Waaberi (aargada Saddex Xiddigood ilaa Kaam Shabeelle);
  2. Waddada Injida (waxay isku xiraysaa Waddooyinka Islaan Maxamed iyo Shiikh
    Cabdulqaadir;
  3. Waddada 30-ka (dhanka Koonfureed);
  4. Waddada Towfiiq (wadada hormarta Isbageeti);
  5. Waddada hormarta Dugsiga Sare ee Gambool, Jaamacadda Dawladda Puntland
    (Puntland State University) iyo Cisbitaalka Garoowe; iyo
  6. Buundo loo maro Cisbitaalka iyo Goobaha kale ee Waxbarashada.

Haddada, Riix linkiyadan hoose oo ay ku dhan yihiin macluumaadka oo idil.

Language »