vlcsnap-2020-07-30-00h58m47s626

Duq caasimadda Garowe oo booqasho ku tagay tuuladda Yoombays

Arbaco: 29-July: Duqa caasimadda Puntland, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), ayaa booqasho hal maalin qaadatay ku tagay tuullada Garyaqaan (Yoombays) oo kutaala howdka gobolka Nugaal lagana xukumo Garowe.

Duqa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa halkaas u tagay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladda bulshada, waddooyin dowladda hoose ay gacanta ku hayso iyo dhagax dhiga ceelbiyood laga hirgalinayo tuuladda Garyaqaan.

Mudane Axmed Barre ayaa ku amaanay shacabka reer Garyaqaan sida ay ugu heellan yihiin horumarka iyo iskutashiga degaankooda, wuxuuna xusay inay tahay tuullada kaalinta 1-aad u gashay isku tashiga.

“Dowladda hoose waxay la shaqeynaysaa ciddii la timaada waxqabad lagu taageeri karo. Reer Garyaqaan waxay muujiyeen in ay iskutashi wax ku qabsan karaan waxayna leeyihiin guddi dahalinyaro oo hormuud u ah horumarka degaanka iyo odayaal xeer beegti ah,” ayuu yidhi duqu.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay Garyaqaan u aqoonsansadeen degsiimo, ayna ka gudubtay heer Tuullo, wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay magaca cusub ee Garyaqaan, iyadoo laga bedelay magacii Yoombays.

Garyaqaan waa degaanka kaliya ee dhul gaar ah u qoondeeyay arrimaha danta guud, sidoo kale waxay aad ula dagaalameen xaalufka dhirta iyo waxyaabaha dhibaatada ku ah horumarka degaanka.

Halkaan ka daawo qaabkii loosoo dhoweeyay Duqa.

Language »