(Garowecity) Duqa casimadda Puntland ee Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti ayaa daahfuray (Qan-daraaska) Dhismaha 4 Laami oo Bankiga Adduunku gacan ka siinayo dowladda hoose ee degmada Garowe.
Duqa Caasimadda, Axmed Barre ayaa sheegay in qandaraaska mashaariicdan uu ahaandoono mid caddaalad ah isla markaasna cad sade kasta lagu qiimayn-doono aqoontooda iyo khibradooda shaqo.
halkaan ka daawo muuqaalka furitaanka qandaraaska.