






Guddiga dhulka danta guud ee degmada Garowe ayaa maanta kulan la qaatay dadka iska leh dhulka aagga Naaso-hablood, iyagoo kala hadlay sidii dhulkooda looga jari lahaa dhulka loo asteeyay danta guud.
Dadka dhulka leh ayaa soo dhoweeyay sheegayna inay diyaar u yihiin in dhulkooda ka baxshaan danta guud, sidoo kale guddiga ayaa uga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeen una aqbaleen codsiga dowladda hoose.


Duqa caasimadda Puntland ee Garowe, Axmed Barre oo booqasho rasmiya ku jooga dalka jabuuti ayaa la kulmay guddoomiyaha Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay sidii labada magaalo loo mataanayn lahaa, isla markaasna khibradaha laysu dhaafsan lahaa.


