Duqa Garowe oo ka qeyb galay daahfurka mashruuca Danwadaag.
Duqa magaalada Garowe, mudane Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa maanta Garowe uga qeyb galay daahfurka mashruuca Danwadaag oo laga fulinayo degmooyinka Garowe iyo Qardho.
Danwadaag oo ah mashuuc ay iska kaashanayaan fulintiisa hay’adda VNG ee dalka Holland iyo ururka ALGAPL, ee dowladdaha hoose Puntland, waa mashruuc taageeri doono u adkaysiga Dowladdaha hoose ee Puntland iyo kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah.
Duqa Garowe, Axmed Barre ayaa soo dhoweeyay mashruucaan. Wuxuu sheegay in uu qeyb ka yahay nidaamka maamul daadajinta, si dowladdaha hoose iyagu maamulaan mashaariicda heer degmo.
“Degmooyinku way leeyihiin awood ay ku fuliyaan adeegyada ay waaaraddaha dowladda Puntland hayaan. Marka waxaan ka codsanaynaa wasaaraddaha inay culayska iska dhigaan, shaqada cidda lehna u daayaan, iyaguna siyaasadooda iyo habraacooda ku haraan,” ayuu yiri Duqa Garowe.
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo mashruuc si rasmi ah u daahfuray wuxuu sheegay inuu mashruuc xoogga saaridoono tababarida iyo wacyi galinta la xiriira ka hortagga masiibooyinka.