



Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Puntland mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Duqa caasimadda Garowe, Mudane, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), ayaa maanta Garowe ku daahfuray tababar ku saabsan hannaanka farriimaha la isugu gudbiyo ee Talo-Wadaag.
Madasha talo-wadaag, waa madal bulsheed oo loogu talo galay in ay muwaadiniinta u sahasho ka qeyb qaadashadooda horumarinta magaaladooda
Madasha Talo-wadaag waxaa maamula oo kormeera dowladda hoose ee Garowe, waxaana qof walba marka uu iska diiwaan galiyo uu awood u leeyahay inuu kusoo gudbiyo aragtidiisa ku aadan horumarka.
Halkaan hoose ka daawo macluumaadka oo dhan.

Ref: R GD/DG/42/2021 Date: 18th, September, 2021
Baahin Qandaraas
Golaha deegaanka ee degmada Garowe.wuxuu ka helay maalgelin mashruuca qaramada midoobay ee Dawladaha hoose ee adeega iyo maamul-daadejinta (UNICEF-JPLG),waxaanu doonayaa in qayb ka mid ah maalgellinta uu u isticimaalo mashaariicaha kala ah: …… dayactir MCH iyo Health post oo ku yaala Degmada Garowe.
Sidaas darteed, Golaha Deegaanka ee Degmada Garowe waxay naadinayaan shirkado qandaraasleyaal ah oo ku haboon inay qabtaan Qandaraaskaan hoos ku qoran oo ah:-
Qoraalka qandaraaska waxa la helayaa laga billaabo taariikhda: 18/09/2021 ilaa 25/09/2021
Gollaha deegaanka waxa uu ka qaadaya qiime dhan $20 qandaraaskiiba. Cida soo doonata waxa loo jari doonaa rasiidh. Qandaraaslayaashuna waa inay ku soo lifaaqaan rasiidhkan codsiga qandaraaska.
Qandaraaskan dhamaan dokumintigiisa waa in la soo diyaariyaa iyadoo la raacayo tilmaamaha la siiyey qandaraaslayaasha iyo qoraallada kale ee qoraalkan ku xusan.
Qandaraasyada oo dhan waa in lagu soo gudbiyaa seddex nuqul, waana in lagu soo hagaajiyaa: Xarunta Dawlada Hoose ee Garowe ama Emailkan:- Saiddhegadhere@gmail.com
ka hor wakhtiga;10:00;PM Taariikhda;25/09/2021
Qandaraska dokumintigiisa waxa la furrayaa;
(taariikh;/25/09/2021, , (wakhtiga;10:00 am—- ilaa 12:00 pm
Qandaraasyada waxaa la furayaa iyadoo ay goobjoog ka yihiin wakiilada qandaraaslayaasha doonaya inay soo xaadiraan.
Qandaraaslayaasha waxa loogu yeedhayaa inay yimaadaan shir qandaraas, 2 cisho ka dib maalinta qandaraaska la naadiyo, taariikhda; 20/09/2021, waqtiga :- 09 :AM_
Goobta Hoolka D/Hoose Garowe si loogu sharxo wixii faahfaahin ah ay uga baahan yihiin qoraalka qandaraaska.
Mahadsanidiin
Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee D/hoose Garowe
Said Abdikariim Mohamud
+252-90-7111035
Waxyaabaha loo baahan yahay in lagu soo lifaaqo Qandaraaska;
| No | Documents | Description | Submitted | |
| Yes | No | |||
| 1 | Original – Certificate of registration And Tander Bod | From the district | ||
| 2 | Original – Receipt of each bid document ($10) | From the district | ||
| 3 | Copy – Completion projects | The past three years completed projects (UN, INGOs etc) | ||
| 4 | Copy – CV’s of Project engineer with certificate | Project engineer’s CV’s | ||
| 5 | Copy – the company’s Profile | Company profile | ||
| 6 | Bid fully prices | Priced BOQ, the bidding documents (amount in words and amount in figures) | ||
| 7 | Bid signing | To sign and to stamp the bidding documents (form of tender and BOQs) |

Madashada Dadweynaha, waa barnaamij ay si toos ah shacabku suáalo furan ku weydiinayeen Duqa degmada Garowe Axmed Siciid Barre, kaasoo qeyb ka ah wada hadalka Dadweynaha iyo Heyádaha dowladda oo PDRC qabatay.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO.

Xafiiska arrimaha bulshada ee dowladda Garowe ayaa maanta soo abaabulay tababarka tababarayaasha 9 xaafaddood iyo 28 kaam ee barakacayaasha, waxaana loo tababarayaa boolisaynta bulshada.
18 tababare oo si rasmi ah uga diiwaan gashan degmada Garowe, ayaa marka tababarkan la siiyo waxay iyagana sii tababari doonaan dadweynaha ku nool xaafaddaha magaalada iyo barakacayaasha.
Mashruucaan oo ay degmadu maal galisays ayaa wuxuu qeyb ka yahay maamul daadajinta xagga amniga, iyadoo la kaashanaysa xafiiska waaxda Booliisaynta Puntland
Halkaan ka daawo muuqaalka tababarka.