D/Hoose Garowe iyo wasaaradda deegaanka oo xirmeeyay Dooxin xoolo daaqsimeed ah.
Dowladda hoose ee Garowe iyo wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dowladda Puntland ayaa si wadajir ah u shaaciyay in la xirmeeyay dooxooyinka Cada-dheere iyo labo Dulay oo kuyaala degmada Garoowe.
Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in ay qayb wayn ka qaadato dib u soo noolaynta daaqa, iyadoo tallaabooyinkan horey looga fuliyay degmada Iskushuban ee gobolka Bari.