Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa caasimadda Puntland ee Garowe, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo uu wehliyo wasiirka maaliyadda dowladda Puntland iyo mausuliyiin kale ayaa maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Nugaal.
Kulankaan oo ka dhacay xafiiska gobolka Nugaal ayaa lagaga arrinsanayay mudaharaadkii fowdada xambaarsanaa ee maalmo ka hor dhacay magaalada Garowe, kaasoo waxyeelo loogu geystay laamiyadda iyo goobaha danta guud ee caasimadda.
Duqa magaalada Garowe, Axmed Barre ayaa sheegay amniga magaalada iyo hantida ummada ka dhaxaysa ilaalinteeda ay muqadas tahay islamarkaana aan loo burbur karin cabasho kaste oo la qabo darteed.
“Amniga Garowe yaala, u malayn maayo inuu yaalo Soomaaliya inteeda kale ama waa yar yahay. Amni meel aan lahayn horumarka kama dhaco lagumana noollaan karo, ummadaha Garowe noogu yimid waxay soo raaceen amniga aan haysano. Haddii burburino waa nala kusoo dhex dhuumanayaa,” ayuu yiri duqa magaalada Garowe.
Duqu wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda Puntland uu go’aan dowladdeed ka kasoo saaray cabashada shilin Soomaaliga iyo socodsiintiisa, loogana dambeeyo xukuumada.
Halkaan ka daawo farriinta guddoomiyaha.