Guddiga Joogtada ee golaha deegaanka Garowe oo uu shir-Gudoominayay duqa Caasimadda Puntland, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), ayaa ansixiyay qorshaha guud (Master plan) ee Loo sameyay Garowe, kaas oo lagu Hagidoono 10 Sano ee soo-socota.
Qorshahan guud ee loo sameeyay Garowe, waa dukumiinti dhammaystiran oo bixinaya macluumaad ku saabsan sida magaalada loogu horumarin doono mustaqbalka dhow.
Qorshahan ayaa wuxuu kaalin weyn ka qaadan doonaa in magaalada Garowe oo hadda si xowli ah u koraysa loosii asteeyo meelaha danta guud, kuwa gaarka ah, iyo adeegyada guud.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Garowe, Maxamed Xamari ayaa sheegay in dowladda hoose ee Garowe ay tobanka sano ee soo socda ku shaqayn doonto naqshada loo sameeyay, wuxuuna shacabka ka codsaday in ay dowlada la shaqeeyaan.
Agaasimaha arrimaha bulsahda dowladda hoose Garowe, Cabdirisaaq Maxamed Muuse, ayaa guul weyn ku tilmaamay ansixinta Qorshe Hagaha (Master plan) ee Garowe. Wuxuu sheegay in xaafad kasta oo dhismi doonta ay helidoonto goobaha danta guud, sida wadooyinka iyo goobaha lagu nasto.
Duqa caasimadda Garowe ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Garowe, Axmed Barre ayaa sheegay magaalada Garowe in ay noqonayso magaaladii ugu horreysey ee naqshad casriya loo sameeyo.



